Monday, September 06, 2010 kala xidhiidh wixii afkaar iyo ra' yi ah ee aad shabakada u diraysid maamulka Shabakadda socoto6@hotmail.com, Ismailhm@hotmail.com,

Home

Music

Sports

Contacts

Heesta Week-ga

CEERIGAABO:GARABKA HAWEENKA XISBIGA UDUB OO XAFLAD U QABTAY MASUULIYIINTA XISBIGA UDUB

CEERIGAABO:GARABKA HAWEENKA EE XISBIGA

UDUB OO XAFLAD U QABTAY MASUULIYIINTA XISBIGA UDUB



Waxaa maanta magaalada ceerigaabo ka dhacday xaflad balaadhan xafladaas oo ay soo qabanqaabiyeen garabka mida garabada haweenka ee xisbiga udub ee magaalada ceerigaabo

Xafladaas oo si aada loo soo agaasimey ayaa kadhacday xafiiska laanta haweenka oo ku taala dhanka koonfureed ee magaalada ceerigaabo



Waxaa xafladaas ka soo qaybgalay xooghaya guud ee xisbiga udub jaamac yaasiin faarax oo beryahanba booqanayin ku marayey meelo kamida gobolka oo uu kusugnaa mudooyinkan danbe



Sidoo kale waxaa xaflada ka soo qaybgalay maayarka magaalada ceerigaabo ismaaciil x nuur gudoomiyaha xisbiga udub ee gobolka sanaag cali ismaaciil bare {cali qasaaye} masuuliyiin kaladuwan oo isugu jirey haween dhalinyaro waayeel iyo dadweyne kale



Waxa halkaa hadalo kaladuwan ka soo jeediyey msuuliyiintii kasoo qaybgashay xafladaas sida xooghayaha guud ee xisbiga oo isna kula dardaarmay dadweynihii ka soo qaybgalay iyo taageerayaasii goobta joogey in ay ilaaliyaan taageerada iyo hanka ay u hayaan xisbigaasi waxa uu yidhi sidii aynu uga badinay xisbiyada kale ayaynu uga badinaynaa

Weliba waxa uu xooghayuhu halkaas ka soo jeediyey maanso ku saabsanayd xisbiga udub ee uu ka tirsan yahay



Waxaa kale oo halkaas hadalo kooban kasoo jeediyey qaar ka mid ahaa haweenka ka tirsan garabka saaka xaflada u qabtau masuuliyiinta xisbiga waxayna halkaas salaamo iyo tahniyado uga gudbiyeen taageerayaasha kale iyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa



waxayna haweenkaasi halkaas ka muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbiga dimuqraadiyada umada bahawdey ee udub



Ugu danbayntaii waxaa dadkii halkaas kasoo qaybgalay loo qaybiyey qalab sida garamo koofiyado iyo calamo si ay ugaga qayb qaataan ololaha doorashooyinka soo socda ee fooda inagu soo haya



Siciid axmed tamreyse

Sanaag74@hotmail.com

Ceerigaabo/sanaag/somaliland


OTHER NEWS:

EUROPEAN COMMISSION ALLOCATES €35 MILLION FOR VICTIMS OF CONFLICT AND NATURAL DISASTERS IN SOMAL
Brussels(Sanaag.org)- Today, the European Commission has adopted a €35 million funding decision to support humanitarian activities in Somalia....

GUDDIDII ILAALINTA HANTIDA QARANKA OO KA BAAQDAY INAY SOO BANDHIGAAN WARBIXINTII LAGA SUGAYAY
Hargeysa(Sanaag.org)-Guddidii ilaalinta hantida qaranka xiliga kala guurka ee madaxweynaha la doortay, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu bishan horaanteedii magacaabay ayaa ka baaqsaday inay maalintii shalay soo bandhigaan warbixintii laga sugayay siday hore u balan qaadeen....

WASIIRKII HORE EE GAASHAANDHIGA SOOMALILAND OO SOO BANDHIGAY NAQSHADAHA DARAJOOYIN CIIDAMADA
Col. Cumar Maxamed Nicmaale, ayaa markii u horraysay shalay soo bandhigay nashqada darajooyinkii saddexda ciidan qaran ee Somaliland...

MADAXWEYNAHA CUSUB OO KULAN LA YEESHAY SAFIIR KU XIGEENKA DALKA INGIRIISKA U FADHIYA ADDIS-ABABA
Hargeysa . Madaxweynaha cusub ee la doortay Axmed Siilaanyo ayaa shalay kulan kula yeeshay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa Safiir ku xigeenka Dalka Ingiriiska u fadhiya Addis-ababa John Marshal Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Kulmiye oo uu ku saxeexnaa Kayse Xasan Cige Xoghayaha Guud ee Xisbiga oo kulankan iyo wixii ka soo baxay lagu faahfaahiyey ayaa u qornaa sedan:...

GOLAHA GUURTIDA INGIRIISKA OO LAGA JARAY LACAGTII GUNNADA
Golaha Guurtida ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa la soo gudboonay dhaqaalo xumo , kadib markii dawladda Ingiriisku go'aansatay in la dhimo Gunnadii la siin jiray Mudanayaasha Golaha Guurtida ee ( House o Lords ) . Hadda laga bilaabo Odayaasha Golaha Guurtidu waxay maalinta ay soo shaqo tagaan gunno ahaan u qaadan doonaan
£300 oo Gini halkay markii hore ka qaadan jireen £335 gini iyo gunnooyin kale....

SOOMAALI KU XIDHXIDHNAYD JEELASHA LIIBIYA OO MAANTA LAGA SII DAAYEY
Tripoli Maanta oo ah maalin khamiis ah bishuna tahay 15/7/2010 ayaa waxa ooda laga soo qaaday soomaali tiro badan oo aan weli la xaqiijin inta ay dhan tahay oo hore ugu xidhxidhnaa jeelal ku yaal liibiya gaar ahaan caasimada tripoli...

MADAXWEYNE RIYAALE OO MARXABAYAN KU MACASALAAMEEYEY WASIIRADII XUKUUMADIISA
Madaxweynaha Somaliland ee Dhawaan ee dhawaan Xisbigiisu kaalinta 2aad ka galay doorashadii Madaxtooyada Soomalilandka qabsoontay Walina aan lagala wareegin Xilkaasi Daahir Rayaale Kaahin...

XARAKADA SHABAAB OO SHEEGATAY QARAXYADA KA DHACAY KAMPALA EE UGANDA,
Kampala(sanaag.org)Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof....

SPAIN OO KU GUULEYSATAY KOOBKA ADUUNKA
Kulankii finaalaha koobka aduunka oo ahaa mid adag oo xiisad iyo xamaasadba lahaa ayuu cayaaryahan Andres Iniesta noqdey halyeygii qaranka Spain...

OGEYSIIS MARLABAAD:-BIXIN DEEQ WAXBARASHO (UHS)
(Sanaag.org):-Ururka Horumarinta Sanaag (UHS) isaga oo la socda baahida ka taagan waaxda caafimaadka ee Gobolka Sanaag, waxa uu ogeysiinayaa qorshahana ugu jira, uuna go’aansaday in Sannadkan Waxbarasho ee 2010-2011 uu Deeq Waxbarasho Jaamacadeed u fidiyo afar arday oo dhammaystay waxbarashada dugsiga sare, kuna gudbey imtixaankii shahaadada....

QAAB-DHISMEEDKA DAWLADA CUSUB OO LIISKEEDII LOO SOO GUDBIYEY
Hargeysa(Sanaag.org):-Guddida ka soo talo-bixinta qaab dhismeedka Dawlada Cusub ee uu Madaxweynaha ka yahay Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] Iyo Kuxigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici ayaa la sheegay inay shalay u soo gudbiyeen shaxda dawlada Cusub noqon doonto....

20 SANO KADIB SOMALILAND DOWLAD NOOCE AH BAY U BAAHANTAHAY?
An ku bilaabo hambalyo aan u diraayo Shacabka Somaliland, Madaxweynaha Cusub Mr Ahmed Silaanyo, madaxweynaha hada xilku ka dhamanayo Mudane Daahir Riyaale iyo Koomishanka Doorashooyinka iyo madaxda xisbiga kale UCID oo dhamaantod muujiyay qaangadhnimo siyasadeed iyo wadaniyad xoogan oo dhaxal u noqon doonta bulshada Somaliland.
Inta kadib aan u soo noqdo Maqalkayag ah Somaliland dawlad caynke ah bay u baahantahay kadib markii in ka badan 66% dadka Somaliland u codeeyen xisbiyada Mucaridka ah isla markaan xisbi Mucaarid ah qabtay talada dalka...

HARGEYSA OO LA CIIR-CIIRAYSA DAD XILAL DOON AH IYO 17 WASAARADOOD OO LA HORDHIGAY MADAXWEYNAHA CUSUB
Magaalada Hargeysa ayaa maalmahan la ceeryoonsan Dad xilal doona ah oo ka kala yimid Gobolada Dalka kuwaas oo Hunguraynaya inay ka helaan Xilal Xukuumadda Cusub ee uu soo dhisayo Madaxwaynaha la doortay Mudane Siilaanyo.Dadkan oo buux dhaafiyay Hudheelada iyo Goobaha lagu kulmo ee Magaalada waxay isugu jiraan Xubno ka tirsan Xisbiga oo ah Dadkii ololahii Xisibiga ku soo hawlanaa mudadii lagu jiray Ololahii Doorashada, kuwaas oo filaya inaanay ka qadayn Xilalka cusub madaama ay tacab badan soo galiyeen Xisbiga.
...

BEERALAYDA OO KORDHIYEY WAX SOO SAARKA XAB-XABKA MARKAY KHAATI KA JOOGSADEEN RAASHINKA WFP
Beeralayda reer Somaliland ayaa u jeestay beerashada xab-xabka, kaas oo aad ku arkayso iyadoo si xaami ah loogu iibinayo xaafaddaha iyo suuqyada magaalooyinka kaddib markii ay khaati ka joogsadeen raashin Hay’adda Cuntada Aduunka ee WFP ku soo beegto xilliga ay soo go’aan dalaga beeraha Somaliland ka baxa.

Hay’ada WFP ayaa la sheegay inay si xadd dhaaf ah dalka u soo galiso midho ay ka mid yihiin, Galley iyo Qamadi, kuwaas oo qiimo dhac iyo niyad jab ku abuura Beeralayda...

SHAQAALAHA DAWLADDA SOMALILAND OO DEEQ WAXBARASHO SARE AH KA HELAY ITOOBIYA
Hayfadda Shaqaalaha Dawladda iyo Machadka Tobabarka Shaqaaluhu waxay shaqaalaha dawladda mar labaad ugu bushaaraynayaan inay deeq waxbarasho shahaadada sare ah (Masters Degree) ugu diri doonaan Ethiopian Civil Service College. Deeqdan oo ka kooban sidan hoos ku qoran....

AXMED XAABSADE OO MADAXWAYNE AXMED SIILAANYO UGU BAAQAY INUU DALKA KU XUKUMO SHAREECADA ISLAAMKA
Siyaasiyaga Axmed Cabdi Maxamud Xaabsade ayaa markii ugu horaysay Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo oo ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee dalka qabsoontey 26-kii June 2010-ka
“Dadku Waxbay Tabanayeen Waxna Way U Weheliyaan, Dariiqii dalku ku toosi lahaa waa inaad marto, Dawlad Balaadhan Dalkeenu Ma Qaadi Karo” Axmed Cabdi Xaabsade...

XULKA DALKA HOLLAND OO SEMI-FINALL U GUDBAY CIYAARAHA KOOBKA ADUUNKA.
Ciyaar aad u xiisa badan ayaa ka dhacay garoonka kubada ee Port Elazebeth Stadium, ayaa dhex martay xulka Wadanka Nederland iyo Brazil oo aad loogu saadaalinayay in ay koobkan qaadayso, ciyaarta oo ku dhamaatay 2-1 , waa markii Afraad taariikhda ay Holland timado Ciyaarta Semi-finalka,

Goalka koowaad ayuu madaxa ku dhaliyay Juan oo u
...

SAUDI GAZETTE EDITORIAL - SOMALILAND ELECTIONS
Of all places even the absolute kingdom of Saudi Arabia is recognizing the advancement of Somaliland democracy. Somaliland democracy is unprecedented and unheard of in Africa and the middle east. Somaliland is clearly spear heading a new exceptionalism which is prelude to something that may come in the future.

...

NATIIJADA DOORASHADA: SILAANYO AYAA LOO DOORTAY MADAXWEYNE
Musharaxa xisbiga KULMIYE ee doorashada madaxtinimada Somaliland ee 26-ka June, Ahmed Mohamed Mohammuud "Siilaanyo"
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Ciise Yusuf Maxamed, ayaa uga dhawaaqay munaasabd weli ka socota Maansoor, in Axmed Maxamed Silaanyo, uu ku guuleystay doorashada Madaxtinnimada Somaliland.

Xisbiga KULMIYE wuxuu helay 266,906 cod oo u dhiganta 49.50% dadka codka bixiyay.

...

KU DHAWAAQIDA NATIIJADA DOORASHADA HAKA FOGAAN SANAAGNEWS.
Waxaa maanta 7:00 fiidnimo lagu dhawaaqayaa natiijada ka soo baxday Doorashooyinka Somaliland, hadaba ku dhawaaqida doorashada iyo cida ku guulaysata haka fogaan shabakada Wararka e Sanaagnews

Dhanka kale waxaa haatan socota Xafladaha ay taageerayaashooda u qabanqaabinaayan Axsaabtu si ay isugu hambalyeeyaan natiijada doorashooyinka ee 26ka June ka qabsoontay Dalka, taas oo la filayao inay u quus goyso dhamaan inta ku xanuunsata Horumarka Somaliland.
...

WASIIR TALAABO CEERIGAABO MA LAGU XIDHI KARAA?....
Wasiir Yuusuf Ciise Talaabo Waa Aaabaha bud-dhiga Maamul wanaaga iyo kala danbaynta Gobolka Sanaag, taas waxaa haatan lagu guda jiraa in isagoo nool loo dhiso Taalo, ka dhex qotonta Beerta xuriyada waana u qalmaa maxaa yeelay Waa mutaystay, Hadaba waxaa Warbaahinta laga Akhristo Shabakadaha aan xirfada badan lahayn baahiyeen war aan sal iyo raad toona lahayn oo sheegaya in Wasiir Talaabo Ceerigaabo lagu xidhay,Hadaba Shabakada wararka ee SanaagNews oo arrinkaas dabagal ku samaysay ayaa...

GOOB-JOOGAYAASHA GUDAHA OO SHAACA KA QAADAY IN DOORASHADII U DHACDAY AY SI XOR OO XALAAL
Goob-jogayaashii Maxaliga ahaa ee ka hawlgalayey doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontey 26 June, 2010-ka ayaa ayaa shalay warsaxaafadeed ay ka soo saareen waxa ay kaga hadleen habkii iyo hanaankii ay u qabsoontay doorashadii Madaxtooyada, kuwaas oo mahadnaq balaadhan u soo jeediyey shacabkii sida balaadhan uga soo qayb galay doorashada....

DAWLADDA BRITAIN OO AXSAABTA SIYAASADA SOMALILAND UGU BAAQDAY INAY KA DHUR-SUGAAN NATIIJADA
Hargeysa, June 30, 2010 (Haatuf/SanaagNews) - Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dalka Ingiriiska, Henry Bellingham, ayaa soo dhoweeyey doorashadii Madaxtooyada ee 26-kii June 2010 dalka ka qabsoontay, kaas oo sheegay in ilaa hadda arrintu u socoto si nabadgelyo ah, dulqaadna ay sameeyeen shacbiga Somaliland sida ay uga qayb qaateen xasiloonida Somaliland ka socota sanadahan dambe...

INTERNATIONAL OBSERVERS: SOMALILAND POLL WAS FAIR
Somalia — A spokesman for a group of international observers says a recent presidential election in Somalia's northern breakaway region was free and fair.



Michael Walls says campaigns and polling in Somaliland were conducted in a peaceful and democratic manner. Walls says observers noted some irregularities such as misuse of public resources during the campaigns and that the media occasionally faltered in offering balanced coverage...

OGAYSIIS KA YIMID MAAMULKA SHABAKADA SANAAGNEWS.
Waxaanu dhamaan la Socodsiinaynaa Akhristayaasha Shabakada SanaagNews oo mudo uu ku yimi Hajkad dhinaca farsamada ah, taas oo haatan Xalilaadedu dhowdahay, Shabakada oo xilwayn iska saari jirtay inay soo gudbiso wararka guud ahaan gobolka Sanaag iyo Somalilandba, aya aciladaas yar u xanibnayd iyadoo lagu jiro xili xaasaasiya oo lagu jiro Doorashooyinka ka qabsoomay Dhamaan Jamhuuriyada Somaliland.

...

XILDHIBAANAD BAAR OO KA WARANTAY SIDA DOORASHOOYINKA MDAXTINIMDA SOMALILAND DHAHAR UGA QABSOOMEEN.
Xidhibaan Baar Siciid Faarax (Dhahar) oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee bariga Sanaag kana soo jeeda degmada Dhahar ayaa shaaca ka qaaday in dil ka dhacay shalay magaalada Dhahar aanu wax siyaasad ah shaqo ku lahayn, iyadoo intaa ku dartey in degmadaasi ay doorashadu si rasmiya uga qabsoontey maalintii doraad, isla markaana ay si nabad galyo ah ay u dhacday.

Xidhibaan Baar Siciid Faarax oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay iyadoo ku sugan magaalada Dhahar...

SANAAG: GUUD AHAAN GOBOLKA OO HAATAN WAX WAYNI ISKA BEDELEEN BAAHIDIISA CAAFIMAAD.
Dhakhaatiirtan ayaa kasoo kicitimey magaalada Ceerigaabo iyaga oo safar kusoo marey magaalooyin ay ka mid tahay Degmada Badhan waxayna halkaas kasoo sameeyey adeeg caafimaad oo kala duwan gaar ahaana indho fiiqis u sameeyey bukaan badan oo adeegaas u baahnaa.

Dhanka kale waxaa la rajaynayaa In Dhowaan Gobolka Sanaag ay soo gaadhaan Dhakhaatiir ku takhasusay Xanuunada Haweenka waxaana la rajaynayaa in ay mudo dheer joogaan Gobolka....

JARIIDAD CAAN AH OO KA SOO BAXDA WADANKA FINLAND OO DOORASHOOYINKA SOMALILAND KA FAALOOTAY.
Waxaa kale Jariidadu qaado dhigtaya in Soomaaliland nabad ahayd in ka badan 19 sanadood waxa Dawladana aan aqoonsan ilaa iminka waxa ay qirtay in ay buuxiyeen Shuruudihii Dawlada laga rabay waxa uu sheegay faisal in Somaliland la aqoonsadaa in ay lagama maarmaan tahay, Somaalilandna ay taasi u keenayso in la maalgashado waxa kaloo ay sheegatay in Somalialnd u kacday dhinaca Dimqraadiyada iyagoo sharcigu u ogaaladay in doorashooyin la qabto tii ugu haraysayna ee Degaanka la qabaty 2002 waxa kale oo sheegtay...

SAWIR XUSUUS XAMBAARSAN IYO 1983 XULKA GOBOLKA SANAAG
Teamkani, Muran li, waa teamkii ugu cajiibsanaa ee Tariikhda Gobolka Soomara. Ciyaaraha sanadkaa wareegiisii hore waxaa lagu qabtay magaalada Ceerigaabo, Runtiina lagama badin ciyaar kaliya. Ciyaartii furitaanka oo ahayd ciyaar aad u xiiso badnayd waxaa wada cayaaray Sanaag iyo waqooyi galbeed ama Hargeisa. Ciyaartasi waxay ku dhamaatay Sanaag 2 Hargeysa 2....

FORTY KILLED IN SUICIDE ATTACK AFGHAN TALIBAN DENIES
Kandahar June 10. A suicide attack on a wedding in the southern Afghan province of Kandahar last night at least forty people killed....

AL SHABAB IYO LAHAYSTAHA FARANSIISKA
Shabab ayaa bogga internet-ka ku soo bandhigtay cajalad muuqaal ah oo muujinaysa sarkaalka Fransiiska ee ay afduub ahaanta u haystaan....

ERGAY CUSUB OO SOMALIA LOO MAGACAABAY
Xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-moon ayaa Augstine Mahiga u magacaabay ergaygiisa cusub ee Somalia, wuxuuna baddeli doonaa Axmadou Cabdalla....

MUHAAJIRIIN SOOMAALIYEED OO DOON LA XUMAATEY
Muhaajiriin iskugu jira Soomaali iyo Cairo;Eritariyaan ayaa doon ay la socdeen kula xumaatey badda u dhaxeysa dalalka Libya Iyo Talyaaniga, waxayna qaylo dhaan u diirsadeen Ciidamada badda ee Talyaaniga.

...

MUJ.AHMED MIRE OO CADEEYAY MAWQIFKA UU KA TAAGANYAHAY DOORSHADA IYO HALKA UU KU SUGANYAHAY HADA
Shabakada Wararka ee Gobolka Sanaag oo heshay Nuqul ka mida qoraal uu soo saaray Mujaahidka wayn ee Axmed Mire ayuu ku cadeeyey Mawqifkiisa Doorashooyinka haatan ka Socda Guud ahaan Somaliland, sido kale wuxuu ku iftiimiyay inay jiraan Dad ku ololaynaya Magaciisuna ka wayn yahay mid loo adeegsado Shaambad Olole wuxuuna daadafeeyey arrintaas isagoo dadka ku dhaqan jamhuuriyada Somalilandna ku wargeliyay inay si nabadi ku jirto u codeeyaan....

MADAXWEYNE DAAHIR RIYAALE KAAHIN OO LA FILAYO INUU DHOWAAN SOO GAADHO GOBOLKA SANAAG.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Riyaale Kaahin ayaa la filaya inu Toddobaadkan Booqasho ku tago Degaano ka tirsan Gobolka Sanaag, Kuwaasi oo aay ka mid yahiin Ceerigaabo, Baran Iyo weliba meelo kale oo Somaliland Ka tirsan

Madaxweyne Riyaale ayaa Booqashadiisa lala Xiriirin Ololaha Doorashada, isaga oo Degaanada ka raadin doona Kalsoonida Shacabka, sii u mar kale Xafiiska ugu soo noqdo
...

12 JIR FOODHI U GAAR AH KU MAAMULA 30 SHIMBIROOD IYAGOO HAWADA KU JIRA MARKAY CODKIISA
Hargeysa, (SanaagNEWS)- Cabdi Shakuur Jaamac Nuux oo ah arday wax ka barta dugsiyada dhexe, waxa uu ku nool yahay xaafada shacabka ee magaalada Hargeysa. C/shakuur oo da’diisu tahay 12 jir ayaa waxa uu dhaqdaa shimbiraha nooca xamaamka, isla markaana uu xanaaneeyaa isagoo tababar gaar ah siiyay in ku dhow 30 shimbirood oo xataa iyaga oo hawada dabaalanaya uu foodhi isaga u gaar ah ugu yeedho kaddibna markay maqlaan dhamaan si deg dega dhulka ugu soo degaan, iyaga oo garbihiisa iyo hareerihiisa soo wada fadhiista.
...

SIYAASIGA AXMED CABDI XAABSADE OO WARAYSI DHINACYO BADAN YAABANAYA BIXIYAY.
Komishanka waxaan leeyahay waxa la idin saaray xil culus oo masiirkii ummada ah, yaan la idiin arkin in aydin cid u xaglinaysaan ama cid garabka saaraysaan ama cid aad istidhaahdaan ha soo baxdo waxaan leeyahay taasi waxay u adeegi kartaa in dalka dagaal ka dhaco oo xumaani ka timaado, waxaan idin leeyahay xilkiina xagsoor iyo dhexdhexaadnimo ku guta, musharaxiinta tartamaysana dhex u noqda, dalka iyo dadkana daacad u noqda"
Axmed Cabdi Xaabsade...

SHARIIF XASAN OO LOO DOORTAY GUDOOMIYAHA
Moqdisho(sanaag.org)-Shariif Xasan sheekh Aadan ayaa si rasmi ah uigu guuleystay in uu noqdo Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka kMG ah....

WAFTIGII XUKUUMADA KA SOCDAY IYO WAXGARADKA GOBOLADA SOOL IYO BUUHOODLE OO GO AAN SOO SAARAY.
Waxa maanta shir balaadhan oo ay yeesheen wafdigii xukuumada ee socdaalka shaqo ku joogay gobolka Sool, xildhibaano degaankaas ka soo jeeda iyo hogaamiyayaasha dhaqanka ee degaankaasi maanta ku yeesheen magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool lagaga dhawaaqay go’aamo la iskula qaatay oo lagu sugayo arimaha amaanka ee gobolada dadkaasi degaan,Waxyaabaha kulankaas la iskula soo qaaday ayaa sidoo kale ay ka mid ahaayeen horumarinta goboladdaas sidii looga shaqayn lahaa oo taa badalkeeda meesha looga saari lahaa, kala tafaraaruqsanaanta beelaha degaankaas...

DEEQ $ 6.5 DOLLAR AH OO SOMALILAND LAGU CAAWIMAY AYAA AWDAL IYO HARGAYSA LAGU KOOBAY
Dadka Beeralayda ah iyo reer guuraaga ku nool Somaliland ayaa heli doona mashruuc caawimo ah oo wax ka qaban doona horumarka beeraha iyo xoolaha. Mashruucan oo uu maal geliyay Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha, International Fund for Agricultural Development (IFAD), waxa ku bixi doona lacag dhan $6.5 Million, taas oo ay fulin doonto hay'adda TRANSTEC.
Xukuumada Somaliland ayaa ku guuldaraysaytay In Mashaariicda Somaliland soo gala ay Si Siman u wada gaadhsiiso Bari Iyo Galbeed...

WASIIR TALAABO OO BEENIYAY INUU SHARCIGA BAALMARAY.
Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag, Mxamuud Siciid Ducaale, Ciidamada Amniga Magaalada Ceerigaabo ayaa Xabsiga u Taxaabay Subaxnimadii shalay Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee gobolka Sanaag Cali Ismaciil Barre (Qasaaye),

Aniga Iyo Hogaamada Bileyska Iyo Komishanka Ayaa Isla Garanay In Arrinta Aanu Ku Dhameyno Dibada, Ma Jiro Qof Aan Xabsiga Kala Baxay Iyo Sharci Aan Baal Maray Midna” Wasiir Yuusuf Ciise Talaabo
...

OBAMA: AFRIKA UMA BAAHNA RAG AWOOD BADAN, WAXAY U BAAHANTAHAY
Madaxweynaha dalka Mareykanka Mr.Barack Obama oo la hadlayey 1000 arday oo ka qalin-jabiyey Kuliyadda Ciidanka Qalabka-sida ee West Point ayaa shaaca ka qaaday in ay tahay in dalka Maraykanka uu aduunka ka dhaliyo kala danbeyn.
...

DAWLADA SOMALILAND OO KA HADASHAY DAGAAL MAALINTII SHALAY KA DHACAY WIDHWIDH
Hargeysa, (SanaagNews) – ciidamada Qaranka Somaliland ayaa khasaare weyn gaadhsiiyay maleeshiyo beeleed ka socday dhinaca Puntland kaddib markii shalay dagaal ku dhex maray duleedka tuulada Widhwidh.

Madaxa hawl-gelinta Guutada 17-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee Gobolka Sool Col. Axmed Daahir iyo laba askari oo kale ayaa dhaawac fudud soo gaadhay ka dib markii dablay hubaysani jid-gooyo ugu galeen meel u dhexeysa Bali Hadhac iyo Widhidh. oo Waqooyi Bari kaga beegan Degmada Buuhoodle...

FAALLO: SIDEE U QABSOONTAY QAYBINTA KAADHADHKA CUSUB..
Runtii waxay ahayd shaqo adag oo dhabar adayg iyo samir badan u baahan qofwal oo ka shaqeeyayna uu garan karo baaxada ay hawshaasi lahayd.
13 bisha may maalin khamiis ah ayay dalka oo dhan ka bilaabantay qaybinta kadhadhkii cusbaa aniguna waxanka socday jaamacada hargeisa oo gobolka maroodi jeex ka hawl galayeen aradaydeedu
WAXAA WARIXINTAN DIYAARIYAY MUKHTAAR CABDI SHEEKH BULSHAAWI...

MOURINHO IYO KOOXDIISA INTER OO KU GUULEYSTAY CHAMPIONS LEAGUE
Kooxda Inter ayaa markeedii ugu horeysay ku guuleysatey koobka kooxaha horyaalada Yurub ee Champions League...

BAYERN IYO INTER.IYO WACDARAHA CAAWA
Waxaa caawa lagu balansan yahay finaalaha Champions League oo ah koobka ugu xiisaha badan aduunka oo ay kooxo ku tartamaan, waxaa garoonka weyn ee santiago bernabeu...

DAGAALLO KA DHACAY DEGMADA BUUHOODLE
Buuhoodle(Sanaag.org)-Dagaallo dhexmaray ciidamo Ethiopian ah iyo dadka degan Buuhoodle oo maanta dhacay ayaa la sheegaya inay ku dhinteen in kabadan 10 qof....

XAFLADII 18MAY OO SIWAYN LOOGA XUSAY WADANKA UKRAINE
Ukraine(Sanaag.org)Waxa habeenkii arbacada ee bishu ahayd19ka bishu ahayd lagu qabtay hotel onix oo ku yaala badhtamaaha magalada vinnitsa dabaaldag lagu maamuusayo sanadguuradii 19naad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshadii gooni isu taaga s/land...

DAAD DHIMASHO IYO DHAAWAC U GEYSTAY GAADHIGA WASIIR TALAABO.
Iyadoo ay Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ku soo qulqulaayan Wufuud ka kala socota Axsaabta Qaranka, ayaa magaalada laga dareemayaa Socod xadi badan oo ay keeneen baabuurta Axsaabta, sidoo kale waxaa maatana Tuulada Kalsheekh Gaadhigii uu watay Daad ku qaaday Wasiir ku Xigeenka Cadaalada MuJ- Mudane Yuusuf Ciise Talaabo, waxaana soo ku geeriyooday Alla ha u naxariistee mid ka mida Ilaaladiisa, isagoo isla maantaba lagu aasay Magaalada Ceerigabo...

SHIRKADA DAALLO AIRLINES OO DUULIMAADYADEEDII CAADIGA AHAA DIB U BILOWDAY.
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirkadda Daallo Airlines, xafiiskeeda magaalada Hargeysa, duulimaadkii ugu horeeyay waxa ay shirkadda Daallo 17-18 ku tagtay dalka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya, waxaanay duulimaadyadeedeedii isku xidhka wadamada Geeska Afrika ee Somaliland, Djibouti Somalia iyo dunida inteeda kale si rasmi ah u bilaabaysaa 3-da bisha June 2010, xilligaasi oo Insha Allaah ay dhammaanba adeeggii duulimaadyada ee Xamuulka (Cargo) iyo Rakaabka (Passangers) ay rasmi ahaan u bilaabmayaan.
...

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO XALAY SHIR JARAAID QABTAY IYO 18-KA MAY OO..
Hargaysa (Sanaag.org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa ugu baaqay Shacabka reer Somaliland inay si nabadgelyo ah uga qeybqaataan hawsha kaadhadh bedelka ee guud ahaan dalka oodhan ka socota, isla markaana waxa sheegay inaanay jirin xafladii 18 May ee sanadkan 2010 ee sida caadadu ahayd la xusi jiray 18-May, isaga oo ku sababeeyey hawsha kaadhadh bedelka codbixiyayaasha ee dalka Ka Socota....

WASIIRKA CIYAARAHA SLD IYO XILDHIBAAN BAARLAMAAKA AH OO GAADHAY DEGMADA DHAHAR EE G. SANAAG
Waxa Magaaladda Dhahar ee Gobolka Sanaag caawa fiidkii gaadhay, wafdi wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland oo halkaa ka hawl gali doona qaybinta kaadhadhka cusub iyo sidii dadweynaha loogu wacyi galin lahaa inay qaataan oo si mug leh uga qayb galaan.
Sida uu ku soo warramay weriyaha wargeyska Maalmaha ee gobolka Sanaag C/laahi Xuseen Darwiish oo aanu warkan ka helnay waxa caawa fiidnimadii gaadhey degmada Dhahar ee gobolka Sanaag...

FAYSAL CALI WARAABE: ISLAAMKA IYO CILMAANIYADDA
Waxaan jeclaan lahaa inaan maqaalkan ku iftiimiyo mawqifkayga ku aaddan arragti beryahan dambe soo shaac baxday oo dadka qaarkood ku doodayaan in xalka muslimiintu ku jiro waxa loo yaqaan securlarsim oo ah nidaam odhanaya in la kala saaro diinta iyo maamulka siyaasada...

RA,ISULWASAARE CUMAR C/RASHIID OO DHAGAHA KA FUREYSTAY HADALKI KASOO YEERAY ADAN MADOOBE
Moqdisho(sanaag.org)-Ra,isulwasaaraha halka lug ku taagan ee XKMGS Cumar C/rashiid Cali Sharma,arke ayaa ku adkeystay in xukumadiisu aysan dhicin...

AADAN MADOOBE OO SHAACA KA QAADAY IN AY DHACDAY XUKUUMADA
Moqdisho(sanaag.org)-Aadan Madoobe ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay hoygiisa, kadib markii uu ka soo carooday kalfadhigii baarlamaanka...

YUBE: ASKARI KA TIRSAN CIIDAMADA BOOLIISKA OO UBE LAGU DILAY IYO MID KALE..
Magaalada Yube oo 80km kaga beegan dhinaca bari magaalada Ceeri-gaabo ayaa maanta lagu dilay askari ka mid ah ciidankii ilaalinayey sanaaduuqdii ay ku jireen
kaadhadhka cusub ee codbixinta ee lagu beddelayey kuwii hore.

Degmada Yube Oo ah Degmooyinka Dhowaan Loo magacaabay Degmanimada ayaa Xaflada Wanqalkeeda ay ka Qayb galeen Madaxda Heer Gobol Oo dhan...

SANAAG OO HAL MAALIN DIB UGA DHACDAY QAADASHADA KAADHADHA CODBIXINTA.
Waxaa saaaka Inta badan Gobolka Sanaag ka bilaabmay qaadashada Kaadhadha Codbixiyaayasha ee Cusub, Iyadoo ay maalintii shalay ahayd inay furmaan Goobaha laga qaadanayo Kaadhadhkaas guud ahaana wadanka oo dhan ay ka bilaabantay ayaanay suurta galain in Gobolka Sanaag ka bilaabato,

dib u dhacaas ayaa lagu sababeeyey roobab badan oo ka day'aya gobolka iyo waliba wado xumo saamaysay...

W/ DIINTA IYO AWQAAFTA EE SLD. OO SHAHAADO-SHARAF GUDOONSIIYEY GUDOOMIYAHA HAYADA GEESKA AFIRKA.
Sheekh Maxamed Cali Geedi waxa uu shaaca ka qaaday inay ku talo-jiraan magaalada Hargeysa in ay ka dhisaan wax uu ugu yeedhay ‘Magaalo-tacliimeed,’ taas oo loogu talo-galay in wax kasta lagu barto, isla markaana laga helo dhamaan heerarka kala duwan ee waxbarashada, taas oo tilmaamay inay wax ka baran doonaan 50,000 oo Arday iyo weliba Dugsi sare oo caalami ah.

Gudoomiyaha Hay'ada Geeska Afrika Sheekh MaXamed Cali Geedi...

MAXAMED DHEERE OO KA BADBAADAY ISKU DAY LAGU QAARIJIN RABAY
Moqdisho(sanaag.org)-Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar (Maxamed Dheere) ayaa ka badbaaday isku day lagu rabay in lagu qaarijiyo kadib marki gaadiid uu la socday lagu weeraray miinada dhulka lagu aaso....

OBAMA OO KA DIGAY DAGAALO KHARAAR OO DHOWAAN KA DHACA...
Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama oo kulan kula qaatay dhigiisa dowlada Afganistan Xaamid Karza...

CEERIGABO : GUDOOMIYAHA W.WAXBARASHADA G/SANAAG OO BEENIYAY IN LAXIDHAY
Gudoonka wasaarada waxbarashada gobolka sanaag mudane C/raxmaan Siciid Xuubay oo manta shirjaraaiid ku qabtay xafiiskiisa ayaa shaaca ka qaaday in aanay waxba ka jirin in la xidhay sida saxaafada maxaliga ah...

WEFTI KOMISHANKA SOMALILAND KA SOCDA OO CEERGAABO SOO GAADHAY IYO..
Wafdi ka socda Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa gaadhay Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag si ay uga qayb qaataan xal u helista muran ka dhashay hawl wadeenada loo xulay hawlaha sixida diiwaan galinta oo maalmihii u danbeeyay muran wayni ka taagnaa.
Wafdigan ka socda Komishanka doorashooyinka Somaliland oo ka kooban laba xubnood oo ka mid ah todobadda xubnood ee komishanka doorashooyinka Somaliland asal ahaan ka kooban yahay...

SHIRKADDA WADANIGA AH EE SOMALILAND CABLE OO DALKA KEENAYSA CABLE-KA ISGAADHSIINTA CAALAMIGA AH
shirkadda somaliland cable(somcable) oo ah shirkad wadani ah ayaa markii ugu horeysay waxay ka bilaabi doontaa somaliland mashruuca isgaadhsiinta badda iyo berriga ee loo yaqaan, cable fiber optic, kaas oo wax weyn ka bedeli doona dhinacyada internetka iyo telefoonada line-ka iyo mobiladaba
Waxaa Mashruucan ku bixi doona 35 Milyan oo Dollar waxaana ka shaqayn doona 10.000 oo Qof oo reer Somaliland ah...

XILDHIBAANO BARLAMAANKA SLD. KA TIRSAN OO XUKUUMADA DUSHA U SAARAY RABSHADII CEERIGAABO.
Mudaneyaal Ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo laga soo doortay Gobolada Sanaag iyo Tog-dheer, ayaa shir saxaafadeed ay shalay ku qabteen Xarunta Golaha Wakiilada waxay ku cambaareeyeen rabashadihii doraad ka dhacay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag,waxaanay masuuliyada rashadahaasi ku eedeeyeen inay ka dambaysay Xukuumada Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin....

GABOSE & SANAG: RABSHADIHII DHACAY IYO FADEEXADAHA DUL-HOGANAYA
Arrimaha foosha xun ee rabshadahani ay daaha ka rogeen ayaa waxaa ka mid ahaa tayadarada ka muuqata ciimada booliska gobolka sanaag taas oo maray isku dayday shabakadda wararka ee gobolku inay wax ka weydiiyo taliyaha qaybta uu ka meermeeray kana gabbaday inuu ka warbixiyo, sidoo kale badhasaabka ayay u muuqataa inay kaalintiisii bannaantahay.

...

TAAGEERAYAASHA XISBIYADA UDUB IYO KULMIYE OO RABSHADO CEERIGAABO KU DHEXMAREEN
Ceerigaabo SanaagNews Waxaa maanta Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ka dhacay
isku dhac dhex martay labada Xisbi ee UDUB iyo KUlmiye, rabashadaas ayaa ahaa
kuwa ka bilaabamay ka dib markii Wefti ka socda Xisbiga Kulmiye soo gaadheen Magaalo madaxda Ceerigaabo, iyadoo jawiga uu ahaa mid caadiya ayaa mar qudha Rabshado dhagax
tuurya ahi ka bilaabatay Xarunta Xisbiga Kulmiye qaar ka tirsan taageeryaasha Xisibiga UDUb ayaa ku andacoonaya in hogaamiyaha Weftigan Dr Maxed Cabdi gaboose oo ah
Gudoomiyaha Abaabulka Gob...

BRITAIN OO DOORASHADII LOO DAREERAY
London(SanaagNews)- Dadka wadanka Britain ayaa maanta oo Khamiis ah u dareeray goobaha codbixinta, iyaga oo ka qayb galaya doorashooyinkan guud iyo kuwa dawladaha hoose ee wadankaasi....

ABWAAN HADRAAWI OO UGU BAAQAY NABAD DKMG & MUCAARADKA.
Qeeladhaanta ka soo baxeysa siyaasiyiinta dhaqamada ayaa hada waxaa ku soo biiray dhinacyada Awaanada Soomaaliyeed taa oo ay ugu baaqayaan...

KHUBARADA DEEGAANKA OO SAADAALIYEY MUSTAQBALKADHOW IN S/LAND ISKU BEDELI DOONTO LAMA DEGAAN
Sanad Kasta Waxa Aynu Goynaa Saddex Milyan Oo Geed Oo Qoyan, G /Hargeysa 2009 Waxa La Jaray 771120 Geed Oo Loo Isticmaalay Dhuxul, Qori- Suuli, Moofooyinka Roodhida, Nuurada Iyo Dergadaha
Khubarada Deegaanka Oo Saadaaliyey Mustaqbalkadhow In S/Land Isku Bedeli Doonto Lama Degaan Kana Digay Dagaalo Qabaa’il Oo Ku Salaysan Biyaha Iyo Daaqa...

MAAYORKA CEERIGAABO OO KOMISHANKA SANAAG KU EEDEEYEY KHALKHAL-GELINTA DOORASHOOYINKA IYO AMNIGA
"Maaddaama aan ahay Maayorkoodii kana mas'uul ahay bulshada Ceerigaabo nabadgelyadooda iyo horumarkoodaba waxan leeyahay waxa dhacay ee xubnaha komishanka gobolka Sanaag ku magcaabani sameeyeen waa Karaym waana in cidda arrimahaas samaysay iyo cidda ku wehelisa shahaadooyinka foojariga ah iyo wax is-daba marintaas si qoto dheer loo baadho oo sharcigana la mariyo...

MARKAB SALIID SIDA OO LA WEERARAY
Burcad-badeedda Somalia ayaa afduubtay markab saliida sida oo Ruushka laga leeyahay, Markab dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa ku dabajooga burcaddaasi....

SHIRKII GANACSATADDA URUR GOBALEEDKA IGAD OO KA FURMAY UGANDA
Nairobi (Sanaag.org) Shir lagga hadlayo sidii loo Hormarin lahaa Isla'markaan Loo Balaadhin Lahaa Ganacsiga Dalalka Urur Goboleedka IGAD,...

XAALADA KOMISHANAKA DOORASHOOYIMKA GOBOLKA SANAAG OO ALOWSAHAL AH
xaalada komishanaka doorashooyimka gobolka sanaag oo alowsahal ah
talaabadii koobaad ee xubnaha komishanka doorashooyinka gobolka sanaag oo ay qaadeen ayaa durtaba la jaar noqday musuq maasuq aan xad lahayn xulashada shaqalaaha ka hawl gali doona hawsha kaadhadhka cod bixiyayaasha shaqaalahana ayaa ahaa ardayda jaamacadaha iyo macalimiinta dhamaysatay tababarka iskotka

...

CEERIGAABO: CABASHOOYIN LAGA MUUJIYAY SIDA SHAQAALAHA KOMISHANKA LOO XUSHAY .
Dad ka cadhaysan ayaa maanta xarunta Komishanka doorashooyinka ee gobolka Sanaag gaar ahaan magaaladda Ceeri-gaabo ka sameeyay mudaharaad ay kaga soo hor jeedaan habka gudida doorashooyinka qaranku u maamulay shaqaale ay gobolkaas ka qorteen oo la doonayo inay ka hawl galaan hawlaha doorashooyinka inagu soo foolka leh ee dhawaan lagu wado inay dalka ka qabsoomaan...

SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS OO KA HADLAY QARAXII MASJIKA MUQDISHO
Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa marki ugu horeysay ka hadlay qaraxi lagu baaba,ay ee shalay ka dhacay Masaajidka Cabdalla Shideeye ee gudaha Suuqa Bakaaraha....

QARAXYO DADBADANI KU DHINTEEN OO KA DHACAY MASJID MOQDISHO KU YAAL
Moqdisho(SanaagNews)-Qaraxyo is xig xiga oo aad u xoog badan oo ay dad badani ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen ayaa manta ka dhacay masjid ku yaala suuqa bakaaraha....

SOMALILAND OO MAANTA LAGA XUSAY MAALINTA SHAQAALA-WEYNAHA ADDUUNKA
Hargeysa(SanaagNews)-Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo ku beegan 1-da Bishan May oo maanta ahayd, ayaa laga xusay Somaliland, isla markaana waxa la fasaxay guud shaqaalaha kala duwan...

QARAXYO KA DHACAY CIRAAQ
Ciraaq(SanaagNews)-Qarax ismiidaamin oo lagu fuliyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay caasimada wadanka Ciraaq ee Baqdad ayaa sababay dhimashada in kabadan 8 qof,iyadoona ugu yaraan labaatan kale ay ku dhaawacmeen ....

DIFAACII OO KA ADKAADAY WEERARKII IYO INTER OO USOO BAXDAY FINALKA SANADKAN CHAMPIONS LEAGUE.
Holland(SanaagNews)- dadaal dheer iyo tartan adag kadib waxaa finalka sanadkan ee champions League isku arkaya Inter iyo bayern ama Italia iyo Germany.

...

REER SANAAG OO MAR KALE U BALAMAY INAY SOO CELIYAAN MAGACII AY MANDAQADA KU LAHAAYEEN
Shir uu soo qaban qaabiyay ururka Qurbajoogta reer Sanaag ee UHS oo lagu kulmay Aaalada teleconfrence -ka ayaa kulmiyay qurbajoog tira badan oo ku sugan daafaha caalamka, Ugu horayn Ururkaas ayaa ka warbixiyay wixii u qabsoomay mudadii labada sanadood ahayd ee uu jiray, ayna ugu horayso dhamaystirka nidaamkiisa iyo sharcigarayntaa ururkaas wadamo badan oo caalamka ku yaal, Waxaa ururka oo kaashanaya gudi hoosaadyadiisa ka warbixiyeen sida Mashaariicda ay wax ka qabteen ama wax ku darsadeen kana fushay Gobolka Sanaag,...

ROOBAB KA DA AY GOBOLKA SANAAG OO GEYSTEEN DHAAWAC IYO DHIMASHOBA.
Roobabka Gu'ga oo toddobaadkan horraantiisii siweyn uga curtay intooda badan degaannada gobolka Sanaag ayaa waxay roobabkaasi sababeen dhimashada iyo dhaawaca dad iyo duunyo iyo khasaare kale oo soo gaadhey bulshada ku dhaqan qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan degaannadaas.

Ilaa hadda inta la ogyahay hooyo iyo laba wiil oo ay dhashay ayaa ku naf waayey waxana isla goobtaas oo kutaalla buuraleyda waqooyi-bari (Casha) degmada Ceerigaabo...

ABWAAN SANGUB OO SHAACA KA QAADAY IN AANU SAMAYN HEES SAADO CALI QAADAY
Jabuuti (SanaagNews)- Abwaanka Caanka ah Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Sangub) ayaa dhinac isaga weeciyay inuu alifay hees lidku ah qaranimada Somaliland oo ay ku luuqayso Fanaanada Saado Cali Warsame.

“Adeer Gabadha Saado Cali Warsame wakhtigan isku wadana ma joogno, mana jirto haba yaraatee wax Somaliland ku saabsan oo aan ku dhaiilayo ama aan ku amaanayo oo aan u dhiibay iyada iyo fanaan Soomaaliyeed oo la mid ah
Abwaanka Somaliyeed Maxamud Cabdulaahi Sangub...

WASIIRKA MAALIYADA OO BAARLAMAANKA HORGEEYEY MIISAANIYADA 2010-KA OO DHAN (363 BILLION).
“Waxaanu Ugu Talagalnay Doorashadan 2 Milyan Oo Dollar, Waanuna Diyaarinay, Komishankana Waxaanu Shalay U Sii Daynay Oo Ay Qaateen $1 Milyan”.

“Waxaanu Idin Leenahay Noo Soo Duceeya, Idinkana Waanu Idiin Soo Ducaynaynaa In Mar Kale La Idin Soo Doortee” Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale
...

DIIYAARADAHA BASAASKA MARAYKANKA OO RAYID KU LAAYAY AFGANISTAN
Afganistan(sanaag.org)-Diyaaradaha basaaska Maraykanka ayaa duqaymo hor leh oo ay ka fuliyeen gobolka Wasiiristaan ee waqooyiga Pakistan...

CEERIGAABO; GEGADII KUBADA CAGTA EE MAGALADA CEERIGAABO OO DAAD QAADAY
Waxaa ka curtay guud ahaan gobolka sanaag roobabkii guga tan iyo shalay gelinkii danbe waxaa garba siman u maasheeyay nawaaxiga magaalada ceerigaabo roobab mahiigaana kuwasoo xidhay dhamaan wadooyinkii soo geli jiray magaalada ceerigaabo...

ROOBAB KHASAARO GEYSTAY OO HARGAYSA DA AY IYO G. SANAAG OO AAN DHIBAATO LAGA SHEGAYN.
Wararka aanu ka helayno Guud ahaan Gobolka Sanaag degmooyinkiisa kala duwan ayaa lagu soo warayaamaa in roobabku si fiican uga curteen , iyagoo aan ilaa haatan la soo sheegin Wax Dhibaatooyina oo ay geysteen ilaa haatan,
Dhanka kale Gobolkada Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inay roobabku si aada uga bilaabmeen iyadoo Magaalda Hargaysa ee Caasimada Somaliland uu roobkaasi khasaare ka gaystay
...

XILDHIBAANDA SOMALIA OO KU BALANSAN BARI IN AY ISKU GARAACAAN KURAAS .
Moqdisho(sanaag.org)-Ayadoo wali aysan ka go'in niyada soomaalida foolxumadii ka dhacay magaalada Eldoreed halkaa oo lagu soo unkay dowladii C/laahi Yusuf ayaa waxaa misna wali ay tahay mid laga sheekeeyo qaab xumadii ka dhacay halkaasi.
...

DALKA BILJAM OO MARKII U HOREYSEY LAGA YAABO IN LAGA MABNUUCO NIQAAMKA
Brussel(sanaag.org)-Baarlamaanka dalka Beljimka ayaa maanta cod u qaadaya in dalkaas aan lagu xiran karin niqaabka,...

MADAXWEYNE SHARIIF OO LA SAFAY AADAN MADOOBE
Moqdisho(sanaag.org)-Inkastoo uu cirka isku sii shareerayo qilaafaadka u dhexeeya golaha Baarlamanka Soomaaliya islamar ahaantaasna ay soconayaan dadaalo ay ka qeyb qaadanayaan Dowladaha deriska la ah Soomaali...

HAY AD MARAYKAN AH OO LA YIDHAAHDO CENTER FOR JUSTICE & ACOUNTABILITY OO DACWAD KU
Columbus, 22-Apr-2010 - Sarkaal Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Cabdi Aden Magan oo madax ka ahaan jiray hay'addii danbi-baadhista Soomaaliyeed ee NSS-ta, xiligii Kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Bare, haddana ku nool magaallada Columbus Gobolka Ohio, cariga Marayakanka ayaa lagu soo oogay dacwad la xidhiidha ku xad-gudub xuquuqda aadanaha.

Colonel Cabdi ayaa waxa dacwadan ku soo oogay dhibane professor Abukar Xasan Axmed oo uu colonel Cabdi bixiyey amarka ciqaabtiisa sanadkii 1988, iyada oo ay dhaawacyo culculus ka soo gaadheen kaadi-haysta....

MURAN KU SAABSAN QAABKA ISTICMAALKA DEKADDA CUSUB OO KA DHEX-OOGMAY ETHIOPIA IYO JABUUTI
Jabuuti, 23-Apr-2010 - Dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti ayaa waxa ka dhex-oogmay muran xoogan oo ku saabsan qaab isticmaalka dekadda cusub ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kadib markii ay dowladda Jabuuti soo saartay nidaam ka hor-imanaya kii ay markii hore ku heshiiyeen labada dal.

Dowladda dhexe Itoobiya ayaa ku gacansaydhay qaabka ay dooneyso dowladda Jabuuti in loo isticmaalo dekaddan. Dalka Itoobiya ayaa malayiin dollar lumin doona sanad kasta haddii ay dowladda dhexe Itoobiya aqbasho nidaamka cusub ee ay Jabuuti dooneyso.

...

GOLAHA WASIIRADA SOMALILAND OO MAANTA SI WADA JIRA U ANSIXIYAY MIISAANIYADA QARANKA EE 2010
Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada, Siciid Cadaani Mooge, ayaa isaga oo dhamays tiran waxa uu u qornaa sida tan ‘’Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland waxay si wada jir ah u ansixiyeen Miisaniyadii Qaranka ee sanadkan 2010.

Fadhiga Golaha Wasiiradu ay Maanta Miisaniyadda ku Ansixiyeen oo uu Gudoominayey Madaxweyne ku Xigeenka JSL. Mudane Ahmed Yuusuf Yaasiin waxay si qoto dheer uga doodeen qaybaha kala duwan ee Miisaniyadu ay ka koobantahay....

OGAYSIIS: KULANKA DADWEYNAHA..URURKA HORUMARINTA SANAAG (UHS) 25/04/2010
Ururka Horumarinta Sanaag(UHS) Oo ah urur ay ku midaysan yihiin Qurbajoogta U dhalatay Gobolka Sanaag ayaa
wuxuu ogaysiinaya dhamaan dadweynaha reer Sanaag ee ku nool aduunka dacaladiisa In ay ka soo qayb galaan Shirkii dadweynaha reer Sanaag kaas oo 90kii maalmood ku qabsooma Aallada Telconfrence-ka (fogaal maqalka), shirkaas waxaa lagu soo macsuumay dad badan oo Gobolka Sanaag aad looga qadariyo,kuna kala sugan gudaha iyo dibada Wadanka,...

WASIIRKA CADDAALADDA OO KA HADLAY TACADIYADA XUQUUQAL-INSAANKA EE KA DHACA SOMALILAND
Wasiirka Caddaaladda Somaliland Md. Aadan Cilmi Dhoolayare, ayaa markii u horreysay qiil u sameeyey meel-ka-dhaca xuquuqda bani’aadamka ah ee ay xukuumaddu uu ka tirsan yahay ku kacdo, isaga oo xusay in hay’adaha Qaramada Midoobay ay qayb kuleeyihiin tacaddiyada xuquuqal-insaanka ee ka dhaca Somaliland.

“Marar badan ayey hay’adaha xuquuqal Insaanku Somaliland ku cannaanataan xuquuqda bani’aadamka laakiin…”
Md. Aadan Cilmi Dhoolayare

...

CEEIGAABO: BUDHCAD-BADEED LAGU QABTAY XEEBAHA GOBOLKA SANAAG.
"Nimankani waa toddoba nin oo budhcad-badeed ah waxayna wateen hal laash oo bed qaba, haseyeeshee hubkoodii badda ayay ku daadiyeen taasoo aannu u malaynayno maraakiibta iyo diyaaradaha ciidammada caalammiga ah ee badda ilaalinaya in ay arkeen kana soo baqdeen". Sidaas waxa yidhi Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha ee gobolka Sanaag Maxamed Yuusuf Maxamuud. Isagoo intaas kusii daray "Shan ka mid ah budhcad-badeeddan oo aannu ku qabannay goobta laashku yaalley iyo laashkii waxannu geyney Maydh, labada kale oo aannu ku qabannay Laasasurad iyagana halkaas ayaannu caawa geyn doonnaa"....

BARLAMAANKA KENYA OO KA DOODI DOONA MOOSHIN LAGU TAAGEERAYO AQOONSIGA SOMALILAND
– Baarlamaanka dalka Kenya ayaa la sheegay in la horgayn doono mooshin lagu taageerayo in aqoonsi ay somaliland ka hesho beesha caalamka, taas oo la sheegay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya oo booqasho Somaliland ku yimid dabayaaqadii 2009-kii oo uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Md Faarax Macalin iyo wafti kale oo ka tirsan baarlamaankaasi oo dabayaaqadii sanadkii 2006-dii booqasho ku yimid dalka la sheegay inay u ololaynayaan sidii mooshinkaasi aqoonsiga somaliland ay golaha u horgeyn lahaayeen, isla markaana uu goluhu uga doodi lahaa nuxurka mooshinkaasi xambaarsan yahay.

...

ICELAND VOLCANO HAVOC ACROSS EUROPEÞ
Earth's surface is not one big rocky shell but is made up of separate islands called plates,which are constantly moving against each other.
At their edges the earth's rust is fragile . Iceland sits on the boundary between the Eurasian and north American plates. its literally the boundary between the continents.

This weak point in the crust allows plumes of molten rock to rise up and burst through the surface as volcanoes_and Iceland is covered with them. in a way , the country is one big volcano.
...

SHIRWEYNIHII 7-AAD EE DALLADA SSE OO SI RASMIYA UGA FURMAY MAGAALADA LEON EE FRANCE
Shirweynihii Ururka Kulmiya Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub (SSE), ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Lyon oo ku taalla Koonfurta bari ee dalka Faransiiska maalintii Jimcaha ee taariikhdu ahayd 16-ka Abriil, 2010. Haddaba waxa ka mid ah dadka ka qayb galaya shirkaasi Khadar Xasan Cali oo ka tirsan xafiiska Jamhuuriya oo warbixintan nooga soo direyn magaalada Lyon. Kullankan oo ah mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxa uu ku bilaabmay jawi aad u xiiso badan oo ay ka muuqatay jacaylka dadka reer Somaliland...

SUXUFIGA BAASHE CABDI GABOOBE OO KA WAR BIXIYAY SIMINAAR KOOX WERIYYAAL AHI KA QAYB GALEEN
Dhowr iyo toban suxufi oo reer Somaliland ah ayaa Arbacadii doraad ku soo laabtay Hargeysa kaddib markii ay tababar la xidhiidha dhinaca doorashada ay ku soo qaateen magaaladaAdis Ababa. Tababarkan oo socday muddo shan maalmood ah ayaa waxa muddadii uu socday ay ku qaadanayeen casharo ku saabsan habka ugu haboon ee warbaahintu u gudbiso wararka iyo macluumaadka la xidhiidha doorashooyinka iyo qaabka ay warbaahintu ugu xaq soori karto axsaabta ku tartamaysa doorashooyinka.
...

CEERIGAABO:DHAQDHAQAAQYO NABADEED IYO DOORKA SALAADIINTA
Magaalada ceerigaabo waxa saaka waagu ugu baryey isla jawigii shalay darafyada dhibaabuhu dhextaal ayaa labada daamood ee bariga iyo galbeedka magaalada uga kalabaxay iyadoo beel waliba si xoogan uhubaysan tahay isla magaalada gudeheeda dhinaca maamulka gobolka iyo ciidamada ayaan ilaa haatan wax talaaabo ah ka qaadin maleeshiyo beeleedyada ka aloosmya magaalada ceerigaabo...

CEERIGAABO: BANDOW LAGU SOO ROGAY GUUD AHAAN MAGAALADA IYO DHAQDHAQ MALEESHIYO BEELEED OO JIRA
Waxaa sii xoogaysanaya walaaca laga qabo in amnigu faraha ka baxo guud ahaanba shaaracyada magalada ceerigaabo ayaa dadku ku gaashaman yihiin hubka kiisa fududshalay gelinkii dambe wixii ka danbeeyey waxa magalada ceerigaabo ku sugnaayd marxaalado kala gedisan taas oo ay sababtay dilkii ka dhacay isla shalay magaalada...

CEERIGAABO:MUNAASIBAD XILWAREEJINA OO MAHURAAN LAGU QABTAY.
Munaasibad balaadhan oo xilka loogu kala wareejinayey guoomisadii garabka haweenka xisbiga kulmiye iyo xubno cusub ayaa ku qabsoontay hoolka shirarka ee mahuuraan ee magaalo madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo xafladaas oo ay ka soo qayb galeen madaxda heer gobol ee xisbiga xubno katirsan golaha dhexe xildhibaano ka tirsan gola deegaanka degmada ceerigaabo iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye...

CEERIGABO:DIB U HABAYN BALAADHAN OO KA BILAABANTAY ERIGAVO INT. AIRPORT.
WaXaa Dhowaanaha ka socday Gegida diyaaradaha ee Magaalada Ceerigaabo Erigavo INt. Airport. Dhisme dib u habayn ah kaas oo la doonayao in Dayactir lagu sameeyo dhabada wayn ee Diyaaraduhu ka haadaan,


Walow dib loo dayactiray dhismaha qolaala dadku ku nastaan ayaa hadana roobab duufaano watay oo ka da'ay dhowr sano gaadhsiiyeen dhibaato dhismaha loogu talo galay inay ku nastaan dadka Paasengers0-ka ah

...

SADDEXDA XISBI QARAN OO MAANTA SAXEEXAY XEERKA ANSHAXA DOORASHOOYINKA IYO RAJADA
Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, UDUB iyo UCID ayaa maanta saxeexay xeerka anshaxa doorashooyinka, ka dib markii uu dhawaan madaxweyne rayaale saxeexay dhaqan galka xeerkan.

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay heshiiska xeerka anshaxa doorashooyinka oo ay goob joog ka ahaayeen guddida doorashooyinka Somaliland, guddoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan Ciro), guddoomiyaha doorashooyinka ee dalka Ghana, masuuliyiin ka socotay xisbiyada qaranka, xildhibaano iyo marti sharaf aad u tiro badan ayaa maanta lagu qabtay huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
...

DAREENKA DADWEYNAHA CEERIGAABO IYO HAYADO SI RASMI AH XAFIISYO UGA FURTAY
Waxaa siweyn looga dareemayaa magaalada ceerigaabo dhaqdhaqaaqyo ku wajahan imaatinka hayado dhawr ah oo qaarkood si rasmi ah uga furteen magaalo madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo...

GUDDOOMIYAHA KOMISHANKA DOORASHOOYINKA GHANA OO BOOQASHO MARTIQAAD AH SOMALILAND KU YIMID
Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka ee dalka Ghana Afary – Gyn oo mudo 15 sanadood ah xilkaasi hayey isla markaan ah khabiir ku xeel dheer hawlaha doorashooyinka, ayaa shalay

ka soo degay madaarka Berbera ee gobolka Saaxil isla markaana dalka ku yimid booqasho rasmiya oo uu ka helay komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ee Wadanka Ghana Mr Afary-Gyn oo ah khabiir ku takhasuusay hawlaha doorashooyinka oo shalay ka soo dagay madaarka Berbera oo ay ku soo dhaweeyeen...

KOR U KACA SIXIRKA XOOLAHA IYO KHUDAARTA IYO SAAMAYNTOODA CEERIGAABO
suuqyada hilibka iyo qudaarta ee magaalada ceerigaabo ayaa siwayn looga dareemayaa kor u kaca sixirka hilibka iyo noocyada khudaarta shabakada caalamiga ah ee sanaag.org ayaa saaka booqatay sariibada hilibka iyo qudaarta...

KULAN DHEXMARAY GUDOOMIYAHA WASAARADA WAX WABARASHADA G/SANAAG IYO AQOON YAHANIIN TIRO BADAN
hadaba waxa iyadu is waydiinle dadaalka iyo dar dar gelinta gudoomiyaha wax barashada G/sanag Mudane C/raxmaan xuubay maxayka badali doonta xaalada Dugsiga?
maxayse kaga duwan tahay dadaaladii hore ee masuuliyiiinta maamul iyo shacaba ugaleen horu marinta dugsiga.
...

OGAYSIIS: BOOQO SHABAKAD CUSUB OO KU SOO BIIRTAY SHABAKADAHA DALKA.
Ogaysiis Dhamaan Akhristayaasha ku nool daafaha dunida ayaa lala socodsiinayaa in ay hawada soo gashay Shabakad Cususb, taas oo aad kala socon doontaan guud ahaan Wararka Gobolka Sanaag iyo guud ahaan Geeska Afrika,

Hadaba Shabakadan cusub ayaa waxay isha ku hayn doontaa sida aad magaceeda ka dhadhansandoontaan Magaala Madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo iyo waxyaabaha ay wararku u muhiim san yihiin ee halkaas ka socda iyadoo madadaalooyinku aanay ka madhnayn...

BURCO: TABABAR LOO SOO GEBAGEBEEYAY MACALLIMIINTA WAXBARSHADA DADBAN EE GOBOLLADA BARIGA SOMALILAND
Burco(SanaagNews)-Lixdan macallin oo ka mid ah macallimiinta dugsiyada waxbarashada dadban lagu dhigo ee gobollada bariga Somaliland tababar oo tayadooda aqoonteed kor loogu qaadayo, ayaa shalay lagu soo gebagebeeyay magaalada Burco.

Tababarka macallimiinta loo qabtay oo socday muddo toddobaad ah, waxa uu ahaa mid xoogga lagu saarayay sidii macallimiinta u samaysan lahaayeen kaabayaasha waxbarasho ee laga heli karo degaannada ay ka yimaaddeen iyo siday u abuuri lahaayeen degaan waxbarasho oo ardayda caawiya...

BAYERN MUNICH OO U SOO BAXDAY SEMIFINALKA CHAMPIONS
Arjen Robben ayaa dhaliyay goolkii ay kooxdiisa Bayern Munich ugu soo baxday semifinalka sanadkan ee koobka Champions League, sidaasna uga reebay tartanka kooxdii ugu danbeysay ee ka socotay Ingiriiska.

...

XUKUUMADDA OO SHALAY IRIDAHA U XIDHAY SHIR AY UNDP KU SOO BANDHIGTAY QORSHE AY SOO ANSIXISAY

xigeenka wasaarada qorshaynta somaliland ayaa shalay albaabada u xidhay shir ay Hay’ada UNDP ku soo badhigtay qorshe ay soo ansixisay dawlada sh. Shariif taas oo loogu tala galay in lagu gargaaro dalka Somalia halkii ay balantu ahayd iny la yimaadaan qorshe lagu horumarinayo Somaliland mudada ilaa 2010 – 2012

“Si Rasmiya Ayaanu U Joojinay Siminaarkaasi Ilaa Inta Ay Ka Keenayaan Qorshe Somaliland U Gaar Ahna Wuu Xidhnaanayaa”

Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta Axmed Xaashi Cabdi
...

MAANTA IYO XUSKA SANAD GUURADA 29AAD EE AAS-AASKII URURKA SNM
.
Sida ay sheegeen qaar ka tirsan aas-aasayaashu ilaa afar nin ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay magaca ururka laakiin waxyar ka dib ayaa isla magaalada London lagu qabtey shirweyne si rasmi ah loogaga dhawaaqay aas-aaska ururka SNM, laakiin afarta nin ee markii u horeysay saxaafadda u sheegay magaca ururka SNM waxay kala ahaayeen Xasan Aadan Wadaad-diid, Maxamed Xaashi Cilmi, Axmed Ismaaciil (Duqsi) iyo C/Salaan Yaasiin...

DAWLADA WADANKA KUWAIT OO SHEEGTAY IN MASHAARIIC HORMARINEED AY KA FULINEYSO SOMALILAND
Wiilka uu dhalay boqorka dalka Kuwait Amiiir Sh,Sabaax Al-Axmed Al-Jaabir oo boowqasho ku tagay gobolka Saaxil ee jamhuuriyada Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in dawladiisu ay door mug la leh ka qaadaneyso inay mashaariic hormarineed ka fuliso Somaliland isla markaana ay dawlada Somaliland ka gacan siin doonto dib u dhisida goobaha adega guud sida goobaha caafimaadka, waxbarashada iyo gobaha kale ee bulshada logu shaqeeyo.

...

WAR HOOSE: UGAASKA BEESHA CIISE OO LAGA YAABO INUU GOBOLKA SANAAG SOO CAGADHIGTO.
Warar hoose oo ay helayso Shabakada Wararka ee Gobolka Sanaag ayaa tilmaamaya, in Ugaas Mustafe Maxed Ibraahin oo dhowaan loo caleema saaray Ugaaska guud ee Beelaha ciise uu dhowaan ku iman doono Somaliland marti Rasmi ah oo u ka helay Beel ka mida Beelaha reer Somaliland, hadaba meelaha lagu Casuumi doono ayaa lagu sheegay in uu Gobolka Sanaag ugu horeeyo Madaama Gobolkaas uu yahay Gobolka Awoowayaasha Geeska Afrika( Ardul-Ajdaad) oo ay ku duugan yihiin Inta badan Awoowayasha ay ka tanfiirmeen...

XAFLADII QALINJABINTA ARDAYDA REER SOMALILAND AH DALKA YEMENÞ
Xaflad aan nooceeda hore loogu arag dalka Yemen ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ka dhacday hool wayn oo ku yaala jaamacadda Culuum Wateknolojiya ee magaalada Sanca. Xafladdan oo ay soo qaban qaabiyeen fuliyeena ururka ardayda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Yemen, waxay ahayd munaasibad ilyartu is qabatay oo aan loo kala hadhin, waxana ka muuqday wajiyo kala duwan oo soomali iyo ajaanibba leh. Xafladda waxa lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo aad u raali galiyay dhamaanba dadka kasoo qayb galay...

WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA OO LA KULMAY MADAXWAYNAHA ETHIOPIA, BOOQASHANA UGU TAGAY SARAAKIISHA.
Adis Ababa(SanaagNews)-wasiirka arimaha dibada Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale ayaa xarunta qasriga madaxtooyada Ethiopia kulan kula yeeshay madaxwaynaha Ethiopia Girma W-Gorgies, kana wada hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia iyo guud ahaanba xaalada mandaqada iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal.
isla maanta waxa wasiirku booqosho shaqo ku tegay kuliyadda tababarka booliska ee dalka ethiopia halkaasi oo u tababar waxbarasho uga socdo afartan ka tirsan ciidanka booliska somaliland oo ay sigaara u tababarayan macalimiin ingiriis ah oo ka soo kicitimay dalka ingriiska oo tiradooduna dhantahay 11 macalin. waxa wasiirku kala qayb galay ban dhig lagu soo ban dhigay tabaha iyo xeladaha ay barteen askarta booliska somaliland intii ay ku sugnaayen collegka khaasatan sida loo ilaaliyo madaxda ( VIP security....

WASAARADDA QORSHAYNTA QARANKA OO LABAATAN HAY’ADOOD U SOO JEEDIYAY DIGNIIN AH INAY XISAAB CELINTII
Wasiirku ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Axmed Xaashi Cabdi oo shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu digniin culus ugu jeediyay labaataan Hay'adood oo ka mid ah ku Caalamiga ah oo aan Xisaab Celintii mashaariicdii ay fuliyeen 2009 kii aan keenin wasaaradda, isagoo fursad u siiyaya inay afar iyo toban cisho u haystaan inay ku soo xareeyaan haddii kale waxa uu sheegay in Ruqsada ay ku shaqeeyaan lagala noqon doono
Wasiirku xigeenku waxa uu shirkiisaas jaraa'id ugu mahadnaqay 48 Hay'addod oo uu sheegay inay iyagu keeneen Xisaab celintoodii.

...

KOMISHANKA DOORASHOOYINKA OO KA HADLAY OLOLAHA AY JUJUBAYAAN SADDEXDA XISBI UGUNA..
Komishanka Doorashooyinka Oo Ka Hadlay Ololaha Ay Jujuubayaan Sadexda Xisbi Uguna Gaalaa Baxayaan Gobolada Iyo Dagmooyinka

“Cadow Badan Ayaa Jira Oo Inala Cola Oo Wax Inoo Kordha Iyo Horumartoona Aan Inoo Ogolayn, Markay Doorashadu Soo Dhawaatana Xasaasiyadu Way Kordhaysaa, Xisbiyadu Xafiisyadooda Gobolada Taageerayaashooda Way Kula Kulmi Karaan Laakiin….”

Maxamed Axmed Xirsi Geelle Afhayeenka Komishanka

...

DHISMAHA DEKEDA MAYDH MAXAY KA BEDELI DOONTAA XAALADAHA IS GARAB SADAY EE GOBOLKA SANAAG
waxaa siwey loo ga dareemayaa magaalo xarumeed gobolka sanaag ee ceerigaabo talaabooyinka horumarineed ee ku wajahan dhismaha dekeda maydh....

MUJAAHID AXMED MIRE OO KA WARBIXIYAY SIDII UU AHAA JAWIGII GUDAGALKII BURCO
Maalintii Shalay Ayaa Barnaamijka Raadraaca Taatiikhda Somalida ooka Baxa BBC- laanteeda Afsomaliga lagu waraystay Mujaahid Axmed Mire OO Ahaa Taliyihii Hogaaminyaya Ciidamada SNM 27 May 1988 soo galay Magaalada Burco, Hadaba Maalintani maxay reer Somaliland ugu astaysan tahay?...
"ciidamada si cad baanu ugu sheegnay , in la tagayo dalkii oo aynu ku dagaalamayno taakulaynteenu waxay taala Burco, sidaa aawadeedna inaynu ku furano rasaas iyo shidaal mid inooga dhawina ma jirto".
MUjaahid Ahmed Mire Maxamed......

XAALAD ADAG OO SOO WAJAHDAY DUGSIGA SARE EE XAAJI AADAN EE MAGAALADA CEERIGAABO
Dugsiga sare ee xaaji aadan waxaa ka hawl gala 14macalin oo intooda badani yihiin ardayda kasoo qalin jabisay jaamacadaha dalka waxaa dugsiga xaaji aadan waxkabarta arday tiradoodu gaadhayso 1000 arday ....

TALIYAHA CIIDANKA NABAD SUGIDDA GOBOLKA TOGDHEER OO MAANTA SHEEGAY INUU ISCASILAY.
isla markaana uu Warqadii istiqaaladda u gudbiyay Taliyaha Sirdoonka Soomaliland.

Sarkaalkan ayaa Xafiiska TogdheerNews ,u sheegay in sababta uu xilka iskaga casilay la Xidhiidho, ka dib markii qaar ka midda Ciidanka Sirdoonka gobolka, oo gudanaaya Hawshoodii shaqo uu xidh xidhay taliyaha Booliska gobolka Togdheer, Arrintaana aan u gudbiyay xaruntayada sare, Hasayeeshe aan Wax talaabo ah laga Qaadin,wuxuu intaa ku daray Taliyuhu , in Khilaafka wayni u dhexeeyo isaga iyo Taliye ku –Xigeenkiisa, isla markaana uu sameeyay Amar diido badan Taliye xigeenkiisu,una gudbinay xafiiska sare,oo iyana waxba laga qaban waayay.

wuxuu kaloo Taliyahani Carabka ku dhuftay in gobolka Togdheer oo gobol Baaxad wayn leh, Isla markaana ay u furan tahay Soomaaliya oo si wayn loogu soo qulqulaayo, uu Xafiiska Sirdoonka gobolku Awoodi kari waayay inuu Hawshiisii guto,sababo badan awgeed "Sidaas awgeed ayaan gartay ayuu yidhi inaan iska casilo Xilka aan Qaranka u hayay, oo aan maanta Qoraalkii Is-casilaadayda u gudbiyay Taliyaha Sirdoonka Qaranka Soomaliland."

...

BOORAME:MADAXWEYNE RIYAALE OO BOOQDAY JAAMACADA CAMUUD, KANA QAYB GALAY..
Madaxwaynaha Jamahuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wardigii uu hogaaminayay ayaa maanta booqday xarunta jaamacada Camuud iyo Cisbitaalka Alxayaaat ee magaalada Boorama.

wafdiga madaxwaynuhu intii ay booqashada ku gudo jiraan waxa ay goobahaas kula kulmeen masuuliyiinta goobahaas waxana goobwalba oo ay booqdaan wafdiga madaxwaynaha warbixno muhiim ah ka siinayay Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed.

...

SULDAANKA GUUD EE BEELAHA SOMALILAND OO XUKUUMADA KU DHALIILAY HAWSHA GARAADADA SOOL
Arintu Waxay Ka Dhalatay Markii Garaad C/Qani Lagu Diiday Xubnihii Baarlamaanka Beeshiisa Ee Uu Soo Xulay Ee Lagu Yidhi Qaybe Ayaanu Wadanaa, Haday Dad Laayaan Oo Ay Dagaal Soo Qaadaana Waanu Iska Celin”

“Xisbigii Reeraysan Ee Tolaay Yaa Reer Hebelaay Ku Ololeeya Ummadu Way Arki Doontaa, Cidii Ka Hortimaada Heshiiskii Lixda Qodobna Xilkaa Laga Xayuubin Doonaa” Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir

...

HARGEISA: GUDIDII CISBITAALKA GUUD EE LA KALA DIRAY OO SHEEGAY IN ARINKOODA LA SIYAASADEEYEY
Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweyne Riyaale kala diray Gudidii Cusbitaalka guud oo runtii ahaa dad mudo dheer hawlahaa wax ka soo waday, Gudigaas oo ka hadlay sida wax u dhaceen iyo dhanka kale soo bandhigay waxyaabihii ay qabteenm mudadii ay xilkaasi hayeen , tilmaamayna inuu haatan Cusbitaalka Hargaysa yahay Cusbitaal Caalami ah. oo meelo badan looga yimaado...

WASIIRKA MAALIYADA SOMALILAND OO LA KULMAY RAYSALWASAARAHA DALKA KIINIYA
Wasiirka maaliyada Somaliland ayaa shalay kulan qaatay saacad iyo badh la yeeshay raysalwasaaraha dalka Kiiniya mudane Raila Odinga, kulankaasi oo shalay ka dhacay xafiiska raysalwasaaraha, ayaa waxa lagaga hadlay xidhiidhka labada dal iyo iyada oo sida ay wararku sheegayaan uu wasiirka maaliyada Somaliland mudane Xuseen Cali Ducaale Cawil uu si qoto dheer ugaga waramay raysal wasaaraha dalka Kiiniya mudane Ondiga, marxaladihii kala gadisanaa ee ay soo martay Somaliland iyo doorashooyinkii qabsoomay iyo kuwa hada la sugaayo...

WASIIR WARANCADE OO HORTAGAY GUDIDA JOOGTADA GUURTIDA IYO FALAADHII DHUGAD KU GANAY
Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cade, ayaa shalay hortagay Gudida Joogtada ee Golaha Guurtidu oo uga xog-waray habsami u socodka shaqo ee madaarka caasimada Hargeysa iyo shaqada ay qaranka u hayso wasaaradiisu.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay ka dib markii ay mudanayaasha Gudida Joogtadu u gudbiyeen Wasiirka dalab ay kaga codsanayaan in uu hor-yimaado, si ay wax ogaadaan cabashooyin mudooyinkan danbe soo noq-noqayey oo la...

MADAXEYNE RIYAALE OO ISBEDEL KU SAMEEYEY QAAR KA MIDA GOLIHIISA WASIIRADA IYO AGAASOMAYAAL.
Warsaxaafdeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada oo saxaafda loo qaybiyay oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabkada qarannews ayaa waxa lagu sheegay in madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin uu maanta isku shandhayn ku sameeyay qaar ka mid ah golihiisa wasiirada iyo sidoo kale agaasimayaasha wasaaradaha, warsaxaafdeedkaasi oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan...

WARBIXIN GUUD OO KU SAABSAN NIMACADA TAALA GOBOLKA SANAAG IYO KA FAAIIDAYSI LA AANTA+DAAWO
Akhristayaal sida aad Shabakada Wararka ee SanaagNews uga barateen, inay muhiimad gaar ah siiso arrimaha/dhaqdhaqaaqyada ka socda Gobolka Mustaqbalka/awoowayaasha waa Sanaage in aanu idiinka soo gudbino sawiradii u danbeeyey iyo warbixinahas, dhowaan ayay ahayd markii ay gobolka booqdeen Saddex Wefti oo midba midka kale ka miisaan cuslaa , ayna ugu horeeyeen Wefti Salaadiina oo u socday inay Gobolka Horumarkiisa soo indhaindheeyaan, isna garaba taagaan shacabka Go'doponka ku jira ee reer Sanaag...

GUDOOMIYE SIILAANYO OO DIGNIIN U JEEDIYAYA MAAMULKA GAROWE, SOONA DHOWEEYEY SAFARKA MARAYKANKA
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa hanjabaada maamul goboleedka Garoowe ka soo yeedhay dhawaan ee ku saabsanayd in weerar ay ku soo qaadi doonaan Somaliland ku tilmaamay in ciidamada qaranka Somaliland iyo shacbi waynuhuba ay isku raacsan yihiin difaaca dalka ugana digay maamulka Garoowe in xuduuda Somaliland iyo Somalia iyo guud ahaanba deegaanada gobolka Sool ay ka abuuraan colaado amaan daro.

Shaacana ka qaaday in ciidamada qaranku ay ku filan yihiin difaaca dalka, tilmaamayna in bulshada ku dhaqan deegaanada Sool ay aragtida ku kala duwanaan karaan...

ISKU AADKA CHAMPIONS LEAGUE OO LASOO SAARAY IYO KOOXO WAAWEYN OO ISKU DHACAYA
Lyon (sanaag.org)Waxaa magaalada Lyon laga aoo saaray isku aadka kooxaha isku arki doona wareega danbe ee Champions League,...

WEFTI DAWLADDA YEMEN KA SOCDA OO SOMALILAND U YIMID INAY XAFIIS KA FURTAAN LANA
Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda Dawladda Yemen oo booqasho ku jooga Somaliland.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, Weftigan Yemen ka socda oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Somaliland, ayaa ujeedadoodu tahay sidii ay Xafiis Ganacsi uga furan lahaayeen Somaliland.
Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Waxaa uu Maanta Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Wafti ka socda jamhuuriyadda Yemen...

CEERIGAABO: KULAN KA DHACAY BEERTA XORIYADA OO WASIIR TALAABO DHALIIL KA JEEDSHAY
Sadexdaa Ardaa Dhig Ee Dabkoodu Shidan Yahay Ogaada Oday Reerka Abaal Ku Lahaana Wuu Ku Jiraaye, Wixii Aad Tabaysaana Xildhibaanada Baasaboorada Ajanabiga Sita Ee Aad Doorateen Waydiiya"
MUj;Yuusuf Ciise Talaabo
Tan ayaa noqotay Mida ugu hadal haynta badan Guud ahaan Magaalada Ceerigaabo , Talaabo oo lagu yaqaani Googooska Duurxulka xambaarsan ayaa soo jiitay Doortayaashii Reer Ceergaabo oo mudo badan is waydiiya Halka Codkoodii ku danbeyey...

QUDBADII FAYSAL CALI WARAABE EE JAAMACADA SANAAG
Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa qudbad aad u dheer ka soo jeediyey Jaamacada Sanaag
Hadaba qudbadaasi maxay daarayd... Godoomiyuhu fariin intee le' eg buu u diray kuwa Gobolka ka haajiray ee Gobolo kale ku haajiray... Wuxuu Iftiimiyaya In SHirkii Reer Sanaag ee 1993 uu ka dhinaa waxwada qqabsigu.
...

DAAWO SAWIRADA SOO DHOWEYNTII......
SOO DHOWEYNTII FAYSAL CALI WARAABE...

SOO DHOWEYNTII FAYSAL CALI WARAABE IYO GUD/BARLAMKA JSL CERIGAABO
gudoomiyaha xisbiga qaran ee UCID Eng,faysal caliwaraabe iyo gudoomiyaha baarlamaanka jamhuuriyada somaliland Mudane C/raxmaan Ciro ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalo madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo gudoomiyayaasha ayaa socdaalkooda ay ku weheliyey qaar ka mid ah xubnaha baarlamanka JSL waxaana duleedka magaalada ceerigaabo...

WAXAAN U BAAHANAHAY DIB U XOREYN SILMIYA
Waxaa la filayaa in dhawaan doorasho madaxweyne oo laba sano mudo dhaafay dalka ka qabsoonto waxaana doorashadaa u taagan saddexdii murashax ee doorashadii hore ka qayb galay todoba sano ka hor ....

HARGEISA: 167 QOYS OO DANYAR AH OO GURYO LOO DHISAY IYO JAWIGII XADHIG-KA JARISTA
Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Bulshada Marwo Faadumo Suudi Xasan, oo uu weheliyay Duqa Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa maanta xadhiga ka jaray 167 Guri oo loo dhisay dadka danyarta ah ee ku nool xaafada Ayax 2 ee Magaalada Hargeysa....

SANAAG: MARKAB RUUSH AH OO BUDHCAD BADEED KEENAY XEEBAHA SANAAG
markab ay leeyihiin ciidanka bada ee wadanka ruushka oo ka irsan maraakiib dhawra oo gaafwarega bada cas ayaa maalintii shalay budhcad badeed soomaali ah ku wareejiyey ciidanka ilaalada xeebaha ee gobolka sanaag...

BURCO: BAAQ LAGU TAAGEERAY GO AANKII DHOWAAN KA SOO BAXAY MADAX-DHAQMEEDKA.
Shir ballaadhan oo golaha guurtida ee beelaha Habar-yoonis ku yeesheen xaruntooda Burco,maanta oo taariikhdu tahay
13/03/2010,kuna falanqaynayeen shirka ay ku baaqeen 10 xubnood oo isugu jira Suldiinta socdaalka ku tagay magaalada Ceeri-gaabo ee uu ku jiro Suldaanka guud ee beelaha H/yoonis, iyo salaadiinta iyo boqorrada deegaankaas, bayaanna ku soo saareen in beesha H/yoonis shir ku yeelato gobolka Sanaag magaalo madaxdiisa Ceeri-gaabo.Ayaa dood iyo falanqayn dheer ka dib waxay guurtidu soo saartay baaqan taageerada ah:

Annagoo tixraacayna qoraalka codsiga ah ee ku taariikhaysan 06/02/2010,kana soo baxay oo ay ku saxeexan yihiin 13 chief caaqil ee beelaha H/yoonis bari,iyo guddoomiyaha iyo xubnaha fulinta ee guddiga beelaha H/yoonis bari,kuna socday Salaadiinta beelaha H/yoonis ee socdaalka ku joogay gobolkaas,kuna codsanayeen in shirka H/yoonis lagu qabto deegaankooda.
...

CEERIGAABO: DIYAAR GAROW LAGU SOO DHOWAYNAYO WEFTI SARE OO UCID AH OO SOCOTA.
Waxaa laga dareemayaa Guud ahaan Gobolka Sanaag , Gaar ahaan Magaalada Ceerigaabo diyaar garow xoog leh oo lagu soo dhowaynayo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Wefti heer sare ah oo Xisbigaasi ka tirsan, xubnaha sarsare ee ku weheliya ayaa ay ka mid yihiin Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbigaasi Mudane Waqagf iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Ciro.

Weftiga oo haatan ku sugan Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer aaya si aad u diiran loogu soo dhowayay Laba Maalmood ka hor, Hadaba Marka aad aragto Taageerayaasha Iyo Hawlwadeenada Xisbigaas ayaa laga dareemaya Diyaar garow aad...

BARISTER: YUUSUF CALI GUREY BIXIN DOONA 30% DHISMAHA DEKEDA MAYDH
Sanaag.orgceerigaabo Muwaadinka oo ah Hantiile u dhashay Gobolka Sanaag sida sawirka lagaga soo qaaday (Gentle house) ka
ee london Waa guriga ay ku nastaan hantiilayaasha iyo Madaxdu. ayaa ba ku balan qaaday inuu bixin doono
dekeda Maydh 30% sida ay u noo sheegay C/dale Cali Cigaal oo ah ragii ay ka soo maaxateyHindisa maanta
gacanta lagu hayo ka midha dhalintiisu kaas oo oh dhismaha dekeda maydh iyo wadada isku xidha Ceerigaabo
maydh.
...

KA BOGO TAARIIKHDA XEEBAHA MAAKHIR COAST.+SAWIRO
Magac ahaan Xeebaha Maakhir Coast oo dhaca waajahada Gacanka cadmeed ayaa ka kooban dhul ku teedsan bad-eega Buuraha Silsilada Golis oo dherer ahaan ah buuro isaga gudba Somaliland Ilaa Itoobiya, Marka la eego kala saraynta dhulka oo lagu sheego somaliland inay ka kooban tahay Xeeb, Oogo , Iyo Hawd aya xeebaha loo kala qaadaa Saddex heer iyadoo loo eegayo heerkooda dherer ay ka sareyaan Jooga biyaha bada,(Sea level)- Saddexdaasi heer ayaa afsomaliga lagu yidhaahdaa Guban, Galan, Iyo Gadoob, hadii aan intaa ku soo koobno Juquraafiyada Dhulkaas ayaa waxaa laga tilmaami karaa Magaalooyin qadiima oo jiray dhowr boqol oo sanadood,...

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADA SOMALILAND OO SHIR JAR AAID QABTAY MUXUUSE KAGA HADLAY.
Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa hogaamiyayaasha axsaabta mucaaridka ku eedeeyey in olole siyaasadeed ay ka dhigteen madax dawlado kale ka soo jeeda, tilmaamayna in saxaafada ay kaga faanaan kulano dhexmaray madax ka tirsan dawlada maraykanka.

Wasiirka arimaha dibada C/laahi Maxamed Ducaale waxa kale oo uu sheegay in xukuumada Somaliland ay qadarin u hayso sanaterka Donald Payne oo ka tirsan aqalka Congres-ka...

FADHIGII MAANTA GOLAHA GUURTIDA OO WAR LAGU FARXAY KA SOO BAXAY.
Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay go’aano ay soo saareen Guddi dhawaan loo saaray xalinta khilaaf u dhaxeeya Shirguddoonka Golahaas, kuwaas oo maanta Golaha Guurtida horkeeno go’aano ay ka gaadheen khilaafkaas.

Fadhigii maanta ee Guurtida ayaa maanta laga hor akhriyay Go’aanka ay soo saareen Guddidaas ayay Mudanayaasha Golaha Guurtida ee maanta ka soo xaadiray fadhigaas oo dhamaa 62 Mudane ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.
...

INDHA-CADE OO SHAACA KA QAADAY IN UU SI GAAR AH ULA DAGAALAMAYA AL-SHABAAB INTA UU NOOLYAHAY
Muqdisho(Sanaag.org)- Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ee DKMG somaliya Mr. Indha-Cade oo Shaaca ka qaaday in uu si gaar ah ula dagaalamaya AL-shabaab inta uu Noolyahay....

ABAALMARINTII UGU WEYNEYD EE ABID LA SIIYO SOOMAALIDA UK - SAWIRRO
London(Sanaag.org)-Maalintii Sabtidii (Shalay) waxa galbeedka Magaallada London ka dhacay kulan ay ilyartu isqabatay oo kulmiyey bulshaweynta Soomaalida ee degen dalka UK, oo isu jirey siyaasiyiin, abwaanno, suxufiyiin, salaadiin, ciyaaryahanno, ururada bulshada.
...

WAR DEG DEG AH: MUQDISHO,QARAX LALA BEEGSADAY WASIIRU DAWLAHA W/DIFAACA MUDANE INDHACADE.
War Deg deg ah Qarax Nooca miinada Rimuudka Laga Hago ayaa Daqiiqado ka Hor lala Beegsaday Gaadhigii Wasiiru Dowlaha Wasaarada gaashaandhiga Dowlada FKMG ah ee soomaaliya Yuusuf maxamed siyaad (Indha- cadde) isagoo maraya sida la sheegay wadada Maka Al-mukarama .
Dhowaan ayay ahayd marki Kooxaha isku haya Magaalda Muqdisho ay Isugu goodiyeen inay dagaal kooxiba kooxda kale uga saari doonto magaalada....

BADHAN: DHAQ-DHAQAAQ HOR LEH OO KA BILAABMAY GOBOLKA CUSUB EE BADHAN.
Tan Iyo Inti lagu dhawaaqay Lixda Gobol ee Cusub, waxaa bilaabmay tartan hor leh kaas oo ka dhexeyey lixdii Gobol ee ay ku dhawaaqday xukuumada Somaliland, Hadaba Gobolka Badhan oo ka Go'ay gobolka Sanaag aya ka mid ahaa Goboladaas, haatana waxaa laga dareemayaa Horu kac aan la dhayalsan karin kaas oo durba ka muuqda Magaalo Madaxda Gobolkaas Badhan.

Dawlada Somaliland kama nasan sidii ay xil isaga saari lahayd daadejinta Maamul nidaam oo ku siman degmo ilaa tuulo, hadaba Gobolka Cusub ee Badhan ayaa waxaa loo magacaabay dhamaan Haykalkii maamul ee gobol uu yeelan lahaa,...

WARAYSI LALA YEESHAY KABTANKA MARKABKA MV-LAILA OO KU XAYIRAN DEKEDA BERBERA..
Waxaan la xidhiidhay Dawladaha Ingiriiska, Australia, Maraykanka, Kanada iyo dhammaan dalalka Yurub. Waxaanay yidhaahdeen…”

“Waxa lay qaaday Cusbatalka Hargeysa oo lay geeyay Daawayn, imikana..”

“Haddii aan fursad u helo waxaan doonayaa in aan la hadlo Madaxweynaha waxa laga yaabaa in aanu fahmin xaaladda aanu ku suganahay, haddii uu fahmi lahaana..”

Kabtanka Markabka MV-Laila...

SHIR HEERSARE AH OO LAGU CASUUMAY WEFTI SOMALILAND AH
Waxa Shalay oo taariikhdu ahayd 11/02/2010 ka dhacay magaalada Birmingham Shir aad u balaadhan oo si quruxbadana loo soo agaasimay, shirkan waxa soo qabanqaabiayay Xisbiga labour-ka ee haya talada wadankan Ingriiska. Shirkan oo magaciisu ahaa Annual Asian Governmental Dinner Waxaa casuumadda Fidiyay oo shirku magaciisa ku socaday Secretary Of State for foreign and Commonwealth Affairs Rt Ho David Miliband MP. Waxa kaloo madaxda shirka ka soo qaybgashay ka mid ahaa Minister of State for Business...

HAYADDA BISHA CAS EE SOMALILAND OO XAFIIS KA FURATAY GOBOLKA BADHAN.
Guddoomiyaha Gobolka Badhan Md. C/Kariin Wahaabi oo xafladaa ka hadlay ayaa aad ugu mahadnaqay Hay’ada Bisha Cas xafiiskan ay ka furtay gobolka waxaanu Hay’adaa ku sifeeyay geesiyiin ku soo dhiiraday Gobolka, waxaanu yidhi “Waxaan uga mahadnaqayaa hay’ada bisha cas tallaabada ay ku fureen xafiiskan oo aan qabo inuu wax weyn ku soo kordhin doono gobolka. Waxaan leeyahay waa Bisha Cas waa geesiyiin ku soo hirtay nabada Gobolka, waxay noqonayaan hay’adii labaad ee laga furo Badhan waxay tii koowaad ahayd Horn Relief.”...

CUDUR DAAR SAWIR SI KHALDAN UGU SOO BAXAY SHABAKADDA
Waxaannu ka raalli gelinaynaa akhristayaashayada in si madbaciyanna sawir khaldani u galay baahinta warkii Caleemo Saarka Boqor Cabdullaahi Xasan Jire, iyada oo sawiradu sidan sax ku yihiin....

BOQOR C/LAAHI X XASAN JIRE OO LAGU CALEEMO SAARAY CEERIGAABO
Waxaa maanta magaalomadaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo ka dhacday xaflad balaadhan oo lagu caleemo saarayey boqor dhowaan la caleemo saaray oo maanat caana shub kiisu ka dhacay beer weyn oo ku taala galbeedka magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag....

TAHRIIBAYAASHII XEEBAHA SANAAG DHOWAAN LAGU SOO DAADIYEY OO CEERIGAABO LA KEENAY
Waxaa maanta magaalada ceerigaabo soo gaadhey tahriibayaashii dhowaan ay kuwa wax tahriibiyaan ku soo daadiyeen xeebaha sanaag gaar ahaan laasqoay ilaa waqderiya
Dadkan oo ay u gurmatey xafiiska bisha cas ee gobolka sanaag ayaa baabuur lagu keenay duurnimadii maanata
Waxayna tiradoodu ahay 54qof oo laga soo kaxeeyey magaalada maydh halkaas oo lagu hayey ilaa 6dii bishan dadkan maydh laga soo kaxeeyey tiradoo du waxay dhamayd 55qof oo u badan Ethiopian aanay wax dumar ahi ku jirin 54 ayaa ceerigaabo soo gaadhey halka midka kalena uu ku hadadhay maydh oo uu sheegay in uu doonayo in uu ka shaqaysto halkaas....

BEENIN WAR LA FAAFIYEY IYO MADAX-DHAQAMEEDKA SANAAG
Waxaan cadaynaynaa in qoraalka dhagaraysan ee ku soo baxay qaar ka mida shabakadaha naxliga jecel ee aan xilkaska ahayn bishii february kowdeedii(1st feb 2010) ee lagu cambaareeyay qabiilka Habar-yoonis bari yahay mid ah been abuur cad oo aan loo dul qaadan karin ayna qoreen dad aan caafimaad qabin oo waliba naaqisnimo meel dhigatay oo xagga ifkana dulinimo ku sugan aakhirona aan haba yaraatee wax hoy nabadeed ah aan ku lahayn....

CEERIGAABO:SHIRKADA GANACSIGA EE SOMGASS OO XADHIGA LAGA JARAY
Waxaa manta magaalada ceerigaabo ka dhacday xaflad weyn oo xadhiga lagaga jarayey shirkada gaasta la shito ee som gass oo xarun cusub ka furatay magaalada ceerigaabo ee goboka sanaag...

GUDOOMIYE KU XIGEENKA KOOBAAD EE GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND OO MAANTA IS CASILAY.
Hargaysa(Sanaag.org)- Gudoomiye Kuxigeenka koobaad ee Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure ayaa maanta ku dhawaaqay Is casilaadisa Jagadaasi

Iyadoo ay dhowaanahan jireen Khilaafyo u dhexeeyey Golahaas taasina sababtay in golahaasi laba garaba u kala jabo oo sida wararku sheegayan garab Muxafida Iyo garab mucaarida ayaa maalmihii u danbyeeyey furmi wayaay fadhigii golahaasi,hadaba Iscasilaadan ayaa loo malaynayaa inay ka danbaysay...

KHUBARO CAALAMI AH OO SOO JEEDIYEY IN SOMALILAND LA ICTIRAAFO SI LOOGA ADKAADO BUDHCAD BADDEEDA.
Khubaro caalami ah oo isugu jira diblomaasiyiin, Saraakiil Milatari, Garyaqaano iyo qaar ka mid ah madaxda shirkadaha gaadiidka badda, ayaa shir ay ku yeesheen jaamacadda Harvard ee dalka Mareykanka, bishii December ee sanadkii hore oo ku saabsanaa la dagaalanka budhcad baddeeda

“Waxay Ku Talo Bixiyeen In La Sameeyo Maxkamad Fadhigeedu Yahay Hargeysa Ama Jibouti Si Ay U Xukunto Budhcad Baddeeda La Qabto”

...

NIN LAGU DILAY MIYIGA CEERIGAABO OO MASHAQO KA TAAGAN TAHAY
Sanaag.org Cerigaabo, Waxaa ka taagan mashaqo ka dib markii doraad lagu dilay nin dhalin yaro ah
Kana mid ah xoolo dhaqatada degta aaga tuulada Dibqarax iyo Ceeldheer, oo dhacda 50km kaga toosan Dhanka koonfur Bari ee magaalada ceerigaabo, dilkaas oo keenay inay labadii beelood ee ay ka soo kala jeedeen, ciidamo is horkeenaan, iyada oo ay waxgaradka, culima-udiinka, Salaadiin Boqoro, iyo cuqaali ay ku baxday, waxaa kale ee goobtaa ku sugan ciidamada booliska iyo xubno maamulka Somalilland ka tirsa.......
...

SULDAAN ISMAACIIL NUUR WACAYS{ QUDE } OO LAGU CALEEMO SAARAY DEGMADA YUFLE
SANAAG.ORG Ceerigaabo Waxaa manta ka dhacday degmada cusub ee Yuyfle xaflad aad u balaadhan oo lagu caleemo saaray suldaan ismaaciil nuur wacays suldaan {Qude}
Xafladaas waxaa ka soo qayb galay salaadiin boqoro caaqilo jiif caaqilo waxgarad suugaan yahano iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan....
...

MADAXWEYNAHA DALKA LIIBIYA OO KU BIXIYEY AMAR IN DALKIISA UU KA TAGO MADAXWEYNAHA PUNTLAND..
Waxaa soo baxaya warar badan oo tilmaamaya khilaaf Siyaasadeed oo soo kala dhexgalay Hogaamiyaha Dalka Liibiya Qadaafi iyo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan maxamed Faroole, kadib markii ay isku afgaran waayeen Arrimo badan oo la xiriira taakulada Dhanka Dhaqaalaha iyo Mashruuc uu sheegay Qadaafi inuu lacag badan ku bixin doono oo ah Khayraadka Kallumaysiga.

Warku wuxuu sheegayaa in madaxweyne Qadaafi uu diiday inuu qaabilo Madaxweynaha Puntland kadib markii ay kulan yesheen...

BURCADBADEEDA SOOMAALIDA OO SICIR BARAR KU RIDAY SUUQYADA YURUB KALUUNKA LAGA ISTICMAALO.
Brussel(sanaag.org)Sicir Barar ayaa laga dareemay Sayladaha Kaluunka ee Qaarada Yurub, sanadkii lasoo dhaafay, taasi oo keentay inay hoos u dhacdo 100kiiba 30% kaluunka Toonada ee laga soo qaban jiray Badweynta Hindiya.



...

QAAR KA MID AH SHAQAALAHA MARKAB 5 BILOOD DEKEDDA BERBERA KU XAYIRAN OO QARKA U SAARAN GEERI
Markabka oo lagu magacaabo MV Layla Star, waxa uu muddo shan bilood ah dekedda Berbera ugu xayiran yahay shirkadda ganacsiga waddaniga Oomaar International oo u sheeganaysa hanti malaayiin dollar lagu qiyaasay oo ku shuf belay markab ay lahayd shirkadda markabkan leh oo badhtamihii kal hore ku gubtay duleedka dekedda Berbera.


Captan Sarath oo u dhashay dalka Sri lank oo shalay khadka telefoonka ugu warramay shabakadda wararka Internetka ee Berberanews.com, ayaa shaaca ka qaaday in qaar ka mid ah shaqaalaha markabka dushiisa saaran ku sugan yihiin xaalad qallafsan oo caafimaad, isla markaana qarka u saaran yihiin dhimasho...

MUDANE CISMAAN SAXARDIID (CADAANI) OO LOO MAGACAABAY XIDHIIDHIYAHA LAAMAHA KULMIYE
Xisbiga KULMIYE markuu arkay muhimadda hawlgallada taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee ku dhaqan qurbahu ay u leedahay horumarinta hawlaha qaran ee xisbiga, tixgalinna siiyay baahida loo qabo in la xidhiidhiyo lana kobciyo laamaha xisbiga ee jaaliyadaha qurbaha, dhagaystayna talooyin ay soo jeediyeen masuliyiinta laamaha xisbiga ee qurbuha, wuxuu u magacaabay Cismaan Saxardiid inuu noqdo Xidhiidhiyaha Laamaha Xisbiga KULMIYE ee Qurbajoogga.
...

CEERIGAABO: SOO DHOWEYNTA XOGHAYAHA UDUB IYO KU DHAWAAQISTA DEGMADA CUSUB EE YUFLE
Xoghayaha waxaa kusoo dhoweyey magaalada Ceerigaabo madaxda dawlada sida Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Cali Cabdi Hure maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur gudoomiyaha xisbiga UDUB ee gobolka Sanaag Cali Ismaaciil Bare {Cali Qasaaye}iyo dadweyne aad u tiro badan....

WASIIRU-DALAHA WASAARADA ARRIMAHA DIBADA OO LA MAGACAABAY.
Waxaa Dhowaan loo magacaabay Xilka Wasiiru-dawlaha Arrimaha
dibada Mudane C/raxmaan Cismaan Aden Wasiirka ayaa noqonaya Wasiirka ugu da'da yar Xukuumada haatan talada dalka haysa... waa haldoor ku haboon Jagada haatan loo magacaabay isla markaana fahmi kara luqada maanta Caalamku ku xidhiidho

Jagadan ayaa waxaa baneeyey Alla ha u naxariistee Mujaahid Siciid Maxed Nuur...

SULDAANI LABAAD OO CEERIGAABO LAGU CALEEMO SAARAY
Hadaba dareenka dadka reer ceerigaabo ayaa isla dhexmaraya sheekada salaadiinta faraha badan ee beryahan soo baxayey iyadoo la filankaro in kuwo kale soo baxaan mudooyinka dhow
Sharaxaada salaadiinta ayaa ku soo beegantay xili ay daruuro iyo ceeryaamo{nuglo} ay dul heehaybayso...

DHACDO ARGAGAX LEH OO KA DHACDAY MAGAALADDA LONDON EE DALKA INGIRIISKA (DHACDO NAXDIN LEH)
Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaaladda caasimadda ah ee London, iyadoo ay u dhaxeysay lamaane Somaliyadeed oo in mudo ah wada-socday, welibana isguursaday....

SULDAAN QUDE & TAAGEERAYAAL UDUB KA TIRSAN OO SI WEYN LOOGU SOO DHOWEEYEY CEERIGAABO
Sikastaba ha ahaatee waa suldaankii 4aad ee mu 3bilood ah lagu caleemo saaro sanaag waxaa ka horeeyey Suldaan ibraahim cige ismaaciil oo 7dii bishan lagu soo caleemo saaray gudmo biyacas oo ka mida sanaag
...

WARSAXAAFADEED GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa habeenki Sabtida ee bishu ahayd Jan16 ay xaflad wayn ku soo dhaweyeen Jaaliyada Washington DC/Virginia. xafladaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa lagu qabtay Huteelka wayn ee la yidhaa Westin Hotel oo ku yaala daanta dhinaca gobolka Virginia. Waxaa halkaa wafdiga ku soo dhaweeyay dadweyne boqolaal ah oo isugu jiray jaaliyada reer Somaliland ee Washington DC/ Virginia iyo Jaaliyada gobolka Maryland.
...

MADAXWEYNE KUXIGEENKA SOOMALILAND OO SHEEGAY IN SANADKAN 2010
Hargeysa(Sanaag.org)Madaxweyne kuxigeenka soomaliland oo sheegay in Sanadkan 2010 ay Xukuumadiisu Xooga saari doonta Sugida Amniga.
...

SHIRKADA GAASTA LA SHITO EE SOM GAS OO XARUN CUSUB KAFURANAYSA CEERIGAABO
{ceerigaabo sanaag.org}isu duwaha wasaarada horuumarintamiyiga iyo deegaanka oo saaka u waramayey sanaag .org ayaa u sheegay in ay gobolka soo gaadhey shirkad mageceeda la yidhaahdo som gas...

MADAXWEYNE RIYAALE: OO WARAYSI SIIYAY VIRGINIA QUARTERLY REVIEW EE MARAYKANKA KA SOO BAXA
Warbixin aad u dheer oo laga qoray sooyaalka taariikheed iyo siyaasadeed ee Somaliland, ayaa sida uu baahiyay Wargeyska Ogaal oo soo xiganaya Virginia Quarterly Review ee Maraykanka ka soo baxa, ayaa masuuliyiintii wax laga waydiiyay Somaliland iyo xaaladdeeda waxa ka mid ahaa Madaxweyne Rayaale.

Sidoo kale, waxa uu Madaxweynuhu Dawladda Soomaaliya ku sheegay kuwo beesha Caalamka iyo shisheeye ka suga inay khilaafkooda xalliyaan. “Bilowgii hore (nabadayntii Somaliland) waligayo namay soo farogelin ajaanib,
Madaxwayne Rayaale......

TALIYAHII HAWL-GELINTA CIIDANKA BOOLIISKA SOMALILAND EE GOBOLKA SOOL OO CAAWA LAASCANOOD LAGU DILAY
Taliyahii hawl gelinta ciidanka Booliiska ee gobolka Sool alla ha u naxariistee Cismaan Faarax Cabdi ayaa caawa fiidkii abaaro 8:00 ay dablay hubaysani ku dileen isagoo wakhtigaasi ka soo baxay masaajid uu ku tukanaayey oo ku ag dhawa gurigiisa magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool.
Falkani lagu dilay taliyaha hawlgelinta Booliiska Gobolka Sool Marxuum Cismaan Faarax Cabdi ayaa uun dhacay laba habeen ka dib markii bambaano nooca gacanta laga tuuro ah lagu weeraray saldhigii Daloodho ee magaalada Laascanood oo ay ku dhaawacmeen seddex askari....

ABAARO ISKU BIXIS AH OO SANADADII UGU DANBEEYEY GOBOLKA SANAAG KA JIRA
Sanaag.org Ceerigaabo,Waxaa shantii sano ee u danbeeyey ka jiray gobolka sanaag Abaaro ba,an oo barakiciiyey
Kumanyaal xoolo dhaqato ah kuwaas oo ay noloshoodu ku xidhan tahay 99% guud ahaan dadweynaha ku nool gobolkaas
...

QORAXMADOOBAAD MAANTA HADHEEYEY GEESKA AFRICA
Waxaa saaka jimcihii lagu waa bariistey isla markii ay soo baxaday qoraxdu
Iyada oo an wax if ah wadan halka markii ay gaadhey abaaro 7:30 subaxnimo ay dhamaanteed wada madoobaatey, taasin ay dadweyna ku noqotay mid argagax ku dhalisay
...

BANAANBAXYO RABSHADO WATA OO KA DHACAY NAIROBI WADAAD MUSLIN AH OOLAGA MASAAFURIEY
Banaanbaxyo rabshado wata ayaa maanta waxa ay ka ka dhaceen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kuwaasi oo ay sameenayaan dad Muslimiin Soomaali ah oo ka careysan Wadaad Muslim ah oo ay dhawaan xirtay dowladda Kenya.

...

CEERGAABO: QAALI GAROW KU YIMI QIIMAHA DHUXUSHA IYO BUSTAYAASHA QABOW DARTIIS.
Wararka aanu ka helayno Magaalada Ceergaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Qabow aad u darani beryahan danbe ka jiray kaas oo sida la sheegay aan dhowaanahan hore loogu arag, Hadaba Magaalada Ceergaabo oo ku taala Jooga ugu sareeya Guud ahaan dalkii la isku odhan jiray Somalia ayaa wuxuu caan ku yahay Qabow ilaa xad ah kaas oo la sida la ogyahay xataa laaya Xoolaha ama guri joogta sida Riyaha Iyo Dameeraha,

...

DAAWO XAALUFKA IYO SAAMAYNTA UU KU YEELSHAY DEEGAANADA MIYIGA
Sawiradan ayaa ka tarjumaya sawirka dhabta ah ee ay kaga tageen xaaluf ay sababtiisa leeyihiin inta badan dadka ka ganacsada dhuxusha, maaha deegaankan oo qudha balse inta badan dhulkii lagu yaqaanay kaymaha oo uu ka mid yahay Soolgeriyo oo sawiradan laga soo qaaday ayaanay indhahaagu jeclaysanayn...

CIYAAR SAAXIIBTINIMO OO DHEX MARTAY DEGMOOYINKA CEERIGAABO IYO BURCO
Waxaa galabta ka dhacday garoonka ku bada cagta ee DAALLO stadium eek u yaala magaalo madaxda gobolka sanaag ee degmada ceerigaabo ciyaar aad u xiiso iyo xamaasad badanayd...

WASIIRKA XANAANADDA XOOLAHA SOOMALILAND DR IDIRIS IBRAAHIM CABDI OO DHAGAX DHIGAY
Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Soomaliland Dr Idiris Ibraahim Cabdi oo Dhagax Dhigay Maxjarkii 2aad ee Xoolaha iyo Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa oo Soo Dhaweysay Dadaalka Xukuumada iyo Wasiirku Wadaan....

MADAL LOOGU MAGAC DARAY DARYEEL NABADEED IYO DARAJO WADDANI OO LAGU QABTAY JAAMACADA HARGEYSA
Somaliland Nationalism Cell oo Shahaado Sharaf Gudoonsiyey Muwaadin Ikhtiraacay diyaarad yar oo helicopter ah.

Unugga Wadaniyadda Somaliland (Somaliland Nationalism Cell) oo ah Urur weyn oo ay ku bahoobeen Ardayda Jaamacadaha dalka ayaa xalay xaflad balaadhan oo loogu magac daray “Daryeel Nabadeed iyo Darajo wadani” ku qabtay Hoolka Jaamacada Hargeysa. Xafladaasi oo ay ku dhiiri gelinayeen muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisa la yidhaahdo Siciid Abdi Jiidhe, oo gacantiista ku sameeyay isla markaana hindisay diyaarad yar oo Helicopter ah.


...

XASUUQ BA’AN OO KU SOCDA DHIRTA KU TAALA SOOLKA BARIGA SANAAG
Waxaa jirta farsamooyinkale oo lagaga maarmikaro dhuxusha oo dalkeena laga hirgelinkaro inkastoo aanay jirin wershed dhuxul dhagaxda samaysa oo laga samaynlahaa buuta shish oo iyadu leh dhuxuldhagax badan hadana waxaa jira...

CEERIGAABO:HAY’AD MUCAAWIMO SOO GAADHSIISEY DAD DANYAR AH
Ceerigaabo(sanaag.org)waxaa maanta magaalo madaxada gobolka sanaag ee ceerigaabo loogu qaybiyey raashin 30 qoys oo danyar raashinkaas oo uu soo gaadh siiyey ganacsade reer sanaag ah oo lagu magcaabo c/raxmaan jaamac cade oo kamida ganacsatada reer sanaag deeq dan oo ay ka faa idaysteen dadkan dan yarta ah ayaa loogu qaybiyey ceerigaabo hadal kooban oo uu ujeediyey ganac sade c/raxmaan jaamac cade ayaa sheegay in rashinkan ay ka faaiideysteen dad u baahani...

SOO DHAWAYNTII GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE, JAN8/10
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo marwadiisa marwo Amina Sheekh Maxamed Jirdeh ayaa maanta oo Jimce ah saacado markay ahayd 09:45 subaxnimo ee saacada bariga Maraykan ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Washington-Dulles Airport. Waxaa gudomiyaha iyo marwadisa halkaa ku qaabilay si heer sare ahna ugu soo dhaweeyay xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdillahi Cumar...

WASIIRKA CAAFIMAADKA EE SOMALILAND OO BOOQDAY CISBITALKA GUUD EE CEERIGAABO
Wasiirka caafimaadka iyo shaqada ee jamhuuriyada somaliland mudane cabdi haybe maxamed ayaa booqday cisbitalka guud ee degmada ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag
goor cusbtalka laga wado dibu habayn

...

CISBITALKA SHIFO OO QAYB CUSUB XADHIGA LAGA JARAY
SANAAG.ORG Ceerigaabo,Waxaa maanta cisbitalka Shifo ee magaalada Ceerigaabo ka dhacday xaflad Xadhiga lagaga jaray qayb cusub oo ah (VIP Section) iyo sagootiyid dhakhaatiir mudooyinkii danbe ka hawlgeleysey cisbitalada kala duwan ee magaalada Ceerigaabo kuwaas oo ay u dhamaatau mudadii ay ka hawl gelayeen.....

HORUUKACA WAXBARASHO EE GOBOLKA SANAAG IYO DADAALKA HAY’ADA WADANIGA AH EE SDF
Ceerigaabo (sanaagNews) Waxbarashadu waa ilaha ugu muhiimsan bulshada dhexdeeda waana tan ay isku dhaafaan laba mujtamac
Waxaa beryahan danbe gobolka sanaag ku soo badanayay hay’ado wadani ah oo si wayn wax uga qabtay waxbarashada waxaana ka mid ah Hay’ada wadaniga ah ee Sanaag Development foundation (SDF) oo ka shaqaysa gobolka sanaag hadaba si aan xog dheeraad ah uga helo waxaan booqanay xarumaha ay SDF gacanta ku hayso waxaana waraysi la yeelanay Gudoomiyaha SDF Mudane Kayse Xasan Cabsiiye...

WASIIRKA MAALIYADDA OO WARBAAHINTA DALKA UGA WARAMAY OLOLE CASHUUR URURIN AH OO AY BILAABEEN.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa maanta shaaca ka qaaday olole cashuur ururin ah oo ay Isniintii ka bilaabeen shanta degmo ee magaalada Hargeysa oo ay ku ururinayaan cashuurihii baaqday
Waxaan jeclaan lahaa Maxamed Xaashi haddii uu iga yeelayo inuu noo fadhiisto cashuuraha xoolaha iyo haamaha shidaalka waan jeclahay oo uu xisaabiyo.
WAsiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale...

GOBOLKA SANAAG AYAA RAXMADII ROOBKU KU HOORTAY KADIB MARKII ABAARO BA’AN LAGA SOO DOOGAY
Ceerigaabo-(Sanaag.org) Gebi ahaanba dalku wuxuu soo maray xaalaado ba’an oo abaaro ah kuwaas oo saameeyey naf iyo maalba,dad aad utira badan oo xoolo dhaqato ah ayaa saben xumaadkii abaaruhu sababeen inay xoolahoodii ka madhaan oo ay caydhoobaan kadibna soo galaan magaalooyinka si ay ugu badbaadiyaan naftooda.
Gaar ahaan xooladhatadii gobalka sanaag ayaa miciinsaday waqtigii abaaruu dheceen buuraha kaymalayda ah ee...

CUSBITAALKA MANHALTABABAR KA ULTRASOUNDKA OO KULMIYEY DHAKHAATIIR IYO ARDAYDA CAAFIMAADKA SLD+SAWIRO
Waxaa markii ugu horraysay Somaliland lagu qabtay Tababar la xidhiidha Mishiinka lagu baadho Uurku jirta (Ultrasound-ka) oo uu bixiyey mid ka mida tobanka nin ee dunida ugu sarreeya Ultrasound, ama mishiinka lagu baadho uurku-jirta. Professor Dr. Syed Gillani wuxuu u dhashay dalka Pakistan inkasta oo uu takhasusaaska PHD-da oo tira badan ka kala diyaariyey jaamacado ku kala yaal Yurub, Canada, Sudan iyo dalkiisa Pakistan, waana markii ugu horraysay ee uu yimaaddo Somaliland.
...

GAADHI NOOCA XAMUULKA QAADA OO LAGA LEEYAHAY CEERIGAABO OO TUULADA BALI_BUSLE LAGU DHACAY.
Gaadhi ah nooca Xamuulka qaada oo u rarnaa ganacsato Reer Ceerigaabo ah ayaa habeenkii xalay ahaa lagu dhacay duleedka tuulada Balibusle oo 90km dhanka koonfur Bari kaga beegan Magaalada Ceerigaabo
gaadhiga oo markiisii hore ka soo ambabaxay Magaalada Burco ee G/togdheer ayaa waxaa lasheegay inay dheceen maleeshiyo haybtooda lagaranayo sida uu ii sheegay Wadihii gaadhigaas oo saaka soo gaadhey Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag,
...

DAWLADDA SOMALILAND OO LOO OGOLAADAY INAY XUBIN GOOB-JOOGE AH KU YEELATO URURKA BARWAAQO SOORANKA
Dawladda Somaliland ayaa la sheegay in loo ogolaaday xubin goob-jooge inay ku yeelato ururka Barwaaqo Sooranka. Sidaas waxa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Warku waxa uu sheegay inay hawshan ka shaqeeyeen masuuliyiin ka tirsan dawladda Ingiriiska, oo dhawaan magaalada London kulamo kula yeeshay xubno ka tirsan xukuumadda Somaliland. Ilahan xogogaalka ahi waxa ay Geeska Afrika u sheegeen in la diyaariyay qorshihii ay Somaliland hab goob-jooge ugaga qayb geli lahayd shirarka...

CEERIGAABO: DUGSIGA SARE EE XAAJI AADAN OO LAGU DARAY QAYB LAGU BARTO INFORMATION TECH.
Ceergaabo(SanaagNews)-Xarun cusub oo loogu magacdaray {X.Aadan Multi Service Center} ayaa dhowaan laga furay Magaalada Ceerigaabo
Xaruntan cusub ayaa noqonaysa mid hoos timaada Maamulka Dugsiga sare oo ku taala Badhtamaha Magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa hirgelinteeda iska kaashaday Maamulka dugsiga sare ee XXaaji Aaadan, Wasaarada Waxbarashada iyo Gudiga Horumarinta Gobolka,
waxayna ardayda dugsigaasi ka barandoonaan qaybaha kaladuwan ee Cilmiga Computerka iyo weliba Adeegyo kale...

CEERIGAAB0: XUJAAJTA SANADKAN U AMBABAXDAY GUDASHADA XAJKA OO MAANTA CEERIGAABO KA AMBABAXAY.
Maanta waxaa ka ambabaxday Gegida Diyaaradaha ee Magaalada Ceerigaabo, Diyaaradii sidey xujaajtii u horaysey kuwaas oo soo gudanaaya waajidbaadka gudashada Xajka sanadkan

Xujaajta oo isaga timi degmooyinka Gobolka ayaa waxaa maan ta qaaday diyaarad ay leedahay Shirkada Diyaaradaha ee Juba AirWays.


Diyaaradan oo dadka u qaaday Caasimada Somaliland ee Hargaysa ,sii...

SIYAASIGA AXMED CABDI XAABASADE OO KA HADLAY ARRIMO DHOWRA
Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Sool ayaa markii ugu horeysay ka hadlay falkii qaraxyada ahaa ee lagu dilay taliyihi qaybta 12-aad ee ciidanka Qaranka, marxuum Cismaan Yuusuf Nuur ee dabayaaqadii bishii hore ee October 2009 qaraxyada loogu adeegsaday badhtamaha magaalada Laascaanood
waxba kama jiraan waana niman iska hadlay, niman wax ka sameyn kara deeganadaasi gobolka Sool iyo Buuhoodle maaha wixii ay tibaaxeen nimankaasina waxyaalo ay dadweynaha Laascaanood iyo Buuhoodle ay ogol yihiin muu ahayn hadalkooduna hawaawir ah buu ahaa...

SAWIRKAN WAA HALXIDHAALAHA TODOBAADKA : FADLAN HALKAN KA EEG SAWIRKAN ....
Halkan waxaan maanta idiinku soo bandhigaynaa Sawir aad u qiimo badan,waa Sawir taariikhi ah , waa Sawir ay ka muuqdaan Wejiyaal haatan Awoowayaal noqday, Waa Xulkii Kubada kolayga Gobolka Sanaag, waqtigu waa 198...? hadaba si Akhristayaashu in badan isu waydiiyaan wajiyadan iyo kuwa ay yihiin fadlan Magacyadooda ayaanu idiinka dhigaynaa halxidhaalaha maanta...

 
 
Home | Music | Sports | Contact Us

All Rights Reserved With Sanaag News Network

Website Best Viewed With 800 px X 600 px resolution  and Internet Explorer 6.0 or Above

Website Designed & Maintained By:  Somaliland Software